Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

David Villa oo Mustaqbalkiisa Mugdi La Galiyay.

Spain(CakaaraSport) Axad July 07,2013.Mid ka mda wargaysyada ka soo baxa Dalka Spain laguna magacaabo Marca ayaa Boga hore ee faaqidaada Ciyaaraha soo dhigay qoraal ay kaga hadlayaan weeraryahanka Kooxda Barcelona oo waayadanba lagu baayactamayay suuqa Ciyaartoyda lagula kala wareego ka dib markii ay Kooxda barcelona ay shaaciyeen in ay xagaagan ku iibin doonaan Weeraryahankooda David Villa Aduun lacageed oo cagacagaynaya 15-milyan oo euro.

Jariirada Marca ee Dalka Spain ayaa lagu sheegay in Kooxda barcelona aynan haysan dalabyo rasmi ah oo ay xagaagan ku iibin karaar weeraryahankooda Reer Brazil david Villa sababtuna tahay Qiimaha lagu baayacayo oo aad u sareeya taasoo sababtay in uu waayadanba Suuqa uu dhex haahaabo,ilaa iyo hada waxaa dalabkooda ku aadan saxiixa iibka David Villa suuqa yaala kooxaha Tottenham iyo Kooxda Liverpool oo labadooduba Shaaciyay in aysan diyaar u ahayn in ay Iibka David Villa ku bixiyaan Aduun lacageed oo gaaraya 10-milyan oo euro.

David Villa ayaa dhawaan dalkiisa kala qeyb galay koobkii qaaradaha ee Brazil lagu qabtay iyadoo kaliya kulankii Tahiti uu ahaa line up , waxa uuna qarankiisa uu u dhaliyay goolal gaaraya 3-gool.

David Villa ayaa diidan in kursiga badelka Barcelona uu ku sii negaado isaga oo u arka in taasi uu ku weyn karo fursadiisa ku aadan ka qeyb galka koobka aduunka ee Brazil lagu qabanayo sanadka 2014-k