Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Ku Guda Jira Socdaalkiisii Ilays iyo Iftiin Ayaa Guud ahaan Muslimiinta Dunida iyo Muslimiinta Itoobiya ugu Bishaareeyay Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nogob(CakaaraNews) Talaado July 09,2013.Madaxweynaha DDSI MUdane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku sii Guda Jia Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee uu Ku Tegay Gobolka Nogob ayaa u soo hambalyeeyay Guud Ahaan Muslimiinta Dunida,Itoobiya Gaar ahaana Soomaalida itoobiya Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Maalinta Berito ah Dunida ilaamka ah laga wada soomi doono.

Madaxweynaha ayaa Ilaahay uga Baryay Muslimiinta in uu ilaahay ka dhigo kwii ka faaiidaysta fadliga iyo barakada ay bishani leedahay kana hela denbi dhaaf,islamarkaaana is naxariista oo ka taagta daran afuriya gargaarna gacanta uga fidiya masaakiinta dhaqaalahoodu liito.

Madaxweynaha ayaa Shacabka soomaalida IToobiya kula dardaarmay in ay Soomaan alena ka cabsadaan si danbidhaaf iyo Ale ka cabsi uga helaan,islamarkaana kula dardaarmay Shacabka soomaalida in ay Isgargaaraan,Sadaqada la baxaan lana taakuleeyo masaakiinta ilaahayna ka baryay in bishan bisheeda ilaahay ku gaadhsiiyo Barwaaqo,CimriSuuban,Alle ka Cabsi leh,Nabadgelyo iyo Horumar waara inagu wada gaadhsiiyo aamiin,aamiin,aamiin.