Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Gaadiidka,Ganacsiga iyo warshadaha DDSI iyo Maamulka Magaalada Jigjiga Oo Kaashanaya Shirkada Raashinka Alla-Aamin Oo Qiime Dhis Ugu Sameeyay raashinka dadka Danyarta Ah fadliga Bisha Ramadaan Awgeed.

Jigjiga(CakaraNews)Arbaco July 10,2013.Xukuumada DDSI Oo Dadaal Ugu Jirta Ka Jawaabida Baahida Bulshada Ku Dhaqan Degaanka Somalida Itooobiya Ayaa Maamulka Magaalada Jigjiga Iyo Xafiiska Gadiidka Iyo Ganacsiga Ee DDSI Oo Kaashanaya Iskaashada Al-Amiin Ayaa Qiimo Dhimis Dhanka Meciishada Ama Raashinka La Quuto Ah U Sameeyey Shacabka Danyarta Ah Ee kU Dhaqan 10ka xafadood ee Magaalada Jigjiga Fadliga Bisha Barakeysan Ee Ramadan Awgeed.Rashinkaas Oo Isugu Sonkor, Bariis , Pasto Iyo Salid Lagaadhsiiyey 10ka Xafadood Ee Magalada Jigjiga Si Bulshada Danyarta Ahi Ay Uga Faideysato Qiimo Dhimista Bisha Ramadan si ay ugu helaan Qiimo jaban.

Mayorka Maamulka Magalada Jijiga Mudane: Suldan Maxamed xasan Ayaa Ugu Baaqay Bulshada Danyarta Ah eek u dhaqan magalada jigjiga Inay Ka Faiideystaan Qiimo Dhimista Loogu Sameeye raashinka Bisha Ramadan Awgeed.

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Ka Hadlay Qiimo Dhimistan Agaasinka Nidaamka Fidinta Ganacsiga Ee Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka Ee DDSI Mudane: Maxamed Mataan Siciid Isagoo Sheegay In Ganacsatdu Ay Ku Diirsadeen Cashuur Dhaafa Ay Xukuumadu U Sameysay Sida Darteedna Ay iskaashatada Al-Amiin Qiimo Dhimis Ugu Sameysay Bulshada Magaalada Jigjiga.

Waxa Kaloo Isna Dhankiisa Ka Hadlay Gudoomiyaha Iskaashatada Al-Amiin Mudane: Cali C/Raxmaan c/laahi Oo Isagu Gacan Wayn Ka Geystay Sidii Loo Sameyn Lahaa Qiimo Dhimistan Isagoo Intaasi Ku Daray In Ay Uga Iibiinayaan Bulshada Danyarta ah qiimo jaban iyo Kilo-Kilo.

Hadaba Bulshada Ku Dhaqan 10ka xafadood magalada jigjiga Ee Ka Faideystay Ayaa Aad U Soo Dhaweeyey Raashinkan Qiimo Dhimista Loogu Sameeyey Iyagoona Uga Mahadnaqay Xukuumada DDSI Iyo Iskaashatada Al-Amiin.