Socdaalkii Ilays iyo Iftiin ee Madaxweynaha DDSI oo oo Galay Maalintiisii 3aad iyo Barmiil,dhuxun iyo Xamaro.

Nogob(cakaaraNews) Arbaco July 10,2013.Madaxweynah DDSI iyo waftigii wehelinayay ayaa Socdaalkoodii Ilays iyo Iftiin ee Ugu horayn xadhiga kaga jareen Mashruuca Quwada Korontada 24ka Saac ee magaalada Fiiq u sii ambaqaaday Degmooyin badan oo ay ka mid ahaayeen Xamaro,Dhuxun iyo barmiil halkaasoo ay Guud ahaanba Qaybaha Shacabku ay si diiran ugu soo dhawaynayeen Caleemo qoyana ay kaga hor imanayeen masaafo ka baxsan ilaa 5km waftiga.

madaxweynaha DDSI ayaa u kuurgalayay baahida Nololeed ee ka jirta Deegaanadaas uu booqday isagoo ugu horayn waydiinayay ka sakow daraasaadka ay ku samaynayeen Meelaha Baahiyuhu ka jiraan Qaybaha Shacabka waydiinayay meelaha muhiimka ah ee ay shacabku baahida u qabaan Sida Biyaha,caafimaadka,Waxbarashada,wadooyinka iyo Buundooyinka oo Dhibaato ka jirtay Deegaanada oo ay xukuumada DDSI sanadkii tegay ka higalisay Dhismayaasha Buundooyinka Geel-doox,Salaxaad,Mayu iyo lagahida kuwaasoo waxwayn ka tari doona isugooshida Shacabka la cadilnaan jiray wareega dheer ee ay magaalada Fiiq oo xarun u ah Gobolka Nogob u soo mari jireen,iyadoona madaxweynuhu u balanqaadyo u sameeyay Shacabka ku saabsan baahidooda in ay Xukuumadu wax ka qaban doonto kuna darsanayso Qorshayaasheeda.

Waftiga madaxweynaha ayaa laga yaabaa in uu Socdaalkiisa ku xiga ku tagi doono Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer iyo qaybo kale oo ka mida Deegaanadaas Sida meelaha wabigu maro.

Wixii ka soo kordha Dib ayaanu idiinkala soo socodsiin doonaa