Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Socdaalkii Madaxweynaha DDSIee La Magac Baxay Ilays iyo Iftiin oo Galay Maalintii 5aad iyo Xarunta Degmada Garbo oo Caawa Ku Sugan Yihiin.

Garbo(CakaaraNews) Khamiis July 11,2013.Socdaalkii madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo la magacbaxay socdaalkii Ilays & Iftiin ayaa wuxuu hadda ku suganyahay xarunta degmada Garbo ee gobolka Nogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay galiinki hore ka soo baxay Qabaleega gaasan-gas ee ka tirsaan Degmada xamaro, isagoo shalay galiinkii danbe tegay qablayga barmiil oo ka tirsaan Degmada dhuxun halkaasoo ay si wayn ay ugu soo dhaweeyeen Dhamaanba Qaybaha kala duduwan ee bulshada iyo Maamulada Gobolka iyo Degmada oo kala hor yimid caleemo qoyan iyo calamo babanaya.

Wafdiga M/eynaha ayaa xilli makhribkii ah ka ruqaansaday Qabaleega Barmiil isagoo u tooreeyay dhinaca degmada Dhuuxuun oo ay kala kulmeen soo dhawayn kal iyo laaba oo ay kala hor yimaadeen qaybaha bulshada oo ruxayay caleemo qoyan iyo calamo,halkaasoo uu madaxweynuhu ku hakaday kulana hadlay shacabka islamarkaana balanqaaday in ay xukuumadu degdeg wax uga qaban doonto Codsiyadooda.

Xilli uu wakhtigu yahay 8 fiidnimo ayuu wafdigu cagaha dhigay xarunta degmada Dhuxun halkaas oo uu isla xilligaas habaynimada ah billaabay kulano is daba joog ah oo uu M/Weynuhu la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta xafiisyada dawladda ee halkaas ku sugan.

Subaxnimadii saaka ayuu wafdigu u ambabaxay dhinaca degmada Garbo ee gobolka Nogob, halkaas oo uu caawa wafdigu ku negiyahay hawlihiisana ka wato,iyadoona uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah iyo jamacba uu la yeelan doono qaybaha Shacabka.

Wixii ka soo kordha Socdaalka Iftiin iyo Ilays ee Madaxweynaha iyo Waftigiisa durba waanu idiin soo dhigi doonaa Shaashada ee Dhegtiinu yaynan ka durkin cakaaaranews.com.