Qaar ka mid qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Faafan oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jaamacad Laga Hirgalin Doono Magaalada Qabri-bayax Booqdayna Degmooyin iyo Tuulooyin ka Tirsan Gobolada Faafan iyo Jarar.

Qabribayax(CakaaraNews) Jimce July 12,2013.Shaki kuma jiro in uu sii labanlaabmayo Qulqulka Ay Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ku imaanayaan Dhlkooda hooyo,kuwaasoo siyaasabo kala duduwan ku imaanaya Deegaanka Qaar ka mida Qurbajoogta oo Raba in ay maalgashi ka samaystaan,Qaar kale oo iyaguna Aqoonta iyo xirfadooda door biday in ay kaga Qaybqaataan Horumarka,Qaar iyaguna Dhismayaal Deganaansho ka Dhisanaya iyo Qaar booqasho ugu imanaya ehelkooda ay waayo ismoogaayeen,Iyadoonaa oo ay 2dii sano ee ugu danbeeyay ay aad u soo badanayaan qurba joogata u dhalatay deegaanka ee ka qayb qaadanaya hirgalinta mashaariicaha dhinaca horumarka balaadhan ee ka hano-qaaday guud ahaanba deegaanka.

Hadaba waxaa dhawaan soo gaadhay xarunta Deegaanka ee MagaaladaJigjiga qurba-jooga u dhalatay deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Gobolka Faafan kana kala yimid Qaarado kala duduwan. Qurbajogtan ayaa uu Maareeye kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI Mudane C/fataax Siciid,Kuxigeenka Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Cabdi C/laahi,Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Yuusuf iyo Kuxigeenkaxafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda Mudane Maxamed xasan ay si Heer sare ah ugu Qaabileen soo dhawaynta magaalada Jigjiga,islamarkaana u gadhqaadeen Qurbajoogtan ka socotay Gobolka faafan oo uu Hormuud u ahaa Suldaan Maxamed Bade oo ay Booqashadi ugu horaysay Abaareen Tuulada Haroorays oo ka tirsan Degmada Jigjiga iyadoona ay halkaasi siwayn loogu soo dhaweeyay ayaa waxay soo indha indheeyeen mashaariicaha Horumarineed ee ka socday tuulada haroorays kana mid ahaayeen goobaha waxbrashada iyo kuwa caafimaadka islamarkaana halkaasi ku la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyaga oo wakhtigaas ay booqashada ku tageen haroorays ay ka socotay ciyaar dhexmaraysay tuulada haroorays iyo ciyaartoy ka socday magaalada jigjiga ciyaartaasi oo ay ku badisay tuulada haroorays ayaa waxaa siwayn ugu bogay qurba joogtii iyo masuuliyiintii gadhwadeenka u ahaydba.

Ka dib ayaa ay Qurbajoogta iyo Masuuliyiinta Xukuumadu Sii ambaqaadeen Socdaalkoodii 2aad oo ku wajahnaa Degmooyinka Qabribayax oo ka Tirsan Gobolka Faafan iyo Degmada Araarso oo Ka Tirsan Gobolka Jarar,iyagoona sii maray Tuulada Camadhle oo ay Dadweyne aad u badan ay Si heersare ah ugu soo dhaweeyeen Waftiga Caleemo Qoyan Halkaasna kula hadleen.

Waftiga ayaa Toos u abaaray Dhanka Degmada Araarso oo ka mid ah Gobolka Jarar kuna Horeeyay Iyadoo ay la socdaan Maamulka Degmada AraarsoTuulada Dhikriilay Halkaasoo ay Dhamaanba Qaybaha Shacabku kala hor yimaadeen Caleemo Qoyan,iyadoona ay Qurbajoogtu u sharxeen dadweynaha Ujeedada Socdaalkooda,Isbedelada Kobaca Horumar,N/galyo,Dhaqaale iyo Maamul suuban ee ay Mudadii yarayd Hirgalisay Xukuumada Maanta Hogaanka haysa taasoo mudan in Guud ahaan Dal iyo Dibadba la badhi gantaalo aya yidhaahdeen. Waftiga masuuliyiinta xukuumada iyo qurba joogta ayaa waxay ku soo noqdeen magaalada aroorso ee xarunta degmada araarso iyada oo ugu horayntii booqday goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka,Ceelasha biyaha Dhawaan laga Qoday iyo Mashaariicaha kale ayaa waxay markii danbe kulan kula yeesheen dadwaynaha ku dhaqan magaalada araarrso iyo masuuliyiinta degmada Araarso badhtamaha magaalada.

waxaana ugu horayntii waftigaasi ka siiyay warbixin guud xaalada degmada gudoomioyaha degmada mudane bashiir oo sheegay in ay ugu horayn si wayn u soo dhawaynayaan qurba-joogta soo gaadhay degamada araarso ayaa waxa uu siwayn u faah faahiyay heerarka kala duwan ee dhinacyada horumarka ka socda degmada araarso. Sidoo kale qurba joogta iyo waftigaasi ayaa dhankooda ka hadlay madashaasi iyaga oo qurba joogtu sheegay in ay dhamaystiran tahay horumaka dhinaca xukuumadu u qabatay bulshada ku dhaqan degmadaasi laakiin ay dhimantahay kaalintii kaga aadanayd qurba-joogta Maadaama aan wax kasta Dawlada lagu halyn karin islamarkaana ay Qurbajoog ahaan Doorkooda ka qaadanayaan Horumarka Deegaanka.

Dhanka kale waftigaasi ayaa waxay soo gaadheen degmada qabribayax waxaana halkaasi siwayn ugu soo dhaweeyay dadwayne aad u tiro badan iyo kooxda fanka iyo suugaanta ee ilays band oo waftiga ku soo dhaweeyay dhaantooyin cusub oo ka turjimaya nicmada uu illahay ku manaystay deegaanka iyo horumarka ka taamyeelay iyo waliba doorka kaga aadan qurba joogta dhinaca horumarka waftigaasi waxay kulan dheer la yeesheen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada qabribayax oo ka warbixiyay mashaariicha horumarka ee ka jirta degmada sheegayna in ay siwayn u soo dhawaynayaan qurba joogta u dhalatay deegaanka gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degmada qabri bayax kuna booriyay in ay ka qayb qaataan horumarka balaadhan ee ka taamyeelay guud ahaanba deegaanka iyo degmadaba.

waxaana sidoo kale ka hadlay kulantaasi wasiir ku xigeenka qurba joogta mudane cabdifataax siciid oo siwayn ugu mahadnaqay waftiga qurba joogta ah iyo bulshada ku dhaqan degmad qabribayax oo siwayn u soo dhawaysay waftigaasi isaga sheegay in ay safaradan balaadhan ee istaba jooga ay ku imanayso deegaankooda iyo degmooyinkoodaba danbaysay ka dib markii ay xukuumadu dadaal dheer u gashay sidii qurba joogta deegaanka meel kasta oo ay joogaanba fahansiin lahaayeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka nabadgalyada ka hananqaaday deegaanka Afhayeen ku xigeenka baarlamaanka DDSI mudane cabdi cabdilaahi oo ka hadlay madasha uu siwayn uga hadlay ahmiyada ay qurba joogtu u leedahay deegaanka dhanka xukuumaduna ay markasta diyaar u tahay soo dhawaynta qurba joogta u dhalatay deegaanka Dhanka ka qurba joogta ayaa waxaa isna ka hadlay madashaasi suldaan maxamed bade oo ka mid ah qurba joogta u dhalatay deegaanka isaga oo sheegay in uu siwayn ugu mahadnaqayo xukuumada deegaanka sida fiican ee ay u soo dhawaysay qurba joogta isaga oo madashaasi ka dhawaaqay dhaqaxdhiga iyo dhamaystirka jaamacad ay yeelandoonta magaalada qabri bayax. Intaasi ka dib ayaa waxaa loo anbabaxay barxad banaan oo loogu talagay dhismaha jaamacada waxaana dhagax dhigay suldan maxamed bade iyo gudoomiyaha degmada