Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Beesha Bahgari ee Ku Dhaqan Sweden oo Bogaadisay Socdaalka Madaxweynaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee Ka Askumay DDSI.

Sweden(CakaaraNews) Jimce July 12,2013.Waxaa Shir isugu yimid Magaalo madaxda Wadanka Sweden ee Stockholm Dhamaana Waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Qaybaha Bulshada ee ka soo Jeeda Beesha Bahgari ee ku dhaqan wadanka Sweden iyagoona Shirkan uuahmiyad gaara ugu lahaa in ay ku muujiyaan taageerada ay u Hayaan waxqabadka Xukuumada DDSI ee Talada Deegaanka haysa isbedelada iyo Kobaca dhaqaale ee a ka taabogalisay Deegaanka Sida Horumarka Xawliga ah,N/galyada sal dhigtay iyo Askumida Maamul suuban oo hantay Dhamaanba ka jawaabida Baahiyihii Shacabka ee ay Xukuumadihii ka horeeyay Tan maanta xukunka DDSI haysa ay ka gaabiyeen.

Shirkan ayaa ay Hoosta kaga xariiqeen in loo baahan yahay in ay Qurbajoogta ka soo jeeda Beesha kor ku xusan ay isu abaabulaan sidii ay Doorka kaga aadan horumarka Deegaanka iyo maalgashiga Door firfircoon uga qaadan lahaayeen iyagoona carabaabay in ay Booqasho ku imaan doonaan Deegaanka si ay daraasaad ugu soo sameeyaan Noocyada Maalgashiga ku haboon ee ay DDSI ka hirgalin doonaan.

Isku soo wada Soohoo waxaa ka socdaSweden Abaabul iyo wacyigalin ay Qurbajoogtani ku abaabulayso in Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ay ka qaataan tiir adagna u noqdaan Taageerada Xukuumada DDSI ee Talada haysa oo ah Tii ugu horaysay ee si dhab ah uga jawaabtay Baahidii Nololeed ee Shacabka.