Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Socdaalkii Madaxweynaha iyo waftigiisa ee Socdaalka Nolol iyo Rajo-rumaynta isu-socodka Dadka,Duunyada iyo Gaadiidka ee Bulshada oo Ku Sugan Xarunta Degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele(Sawiro)

Dhanaan(cakaaraNews) Jimce July 12,2013.Wuxuu wafdiga M/Weynuhu soo af-jaray socdaalkii Ilays iyo Iftiin oo soo gabagabeeyay u kuur gelidda xaaladaha nolosha bulshada, horumarka, maamulka suuban iyo amniga ee deegaanada gobolka Nogob oo uu mudo todobaad ahba booqasho ku soo maray.

Hase yeeshe, taasi ma noqonin mid soo af-jartay socdaalka M/Weynaha & wafdigiisa! Waxaana halkaas ka sii billowday wajiga labaad ee socdaalka oo loogu magac daray ". Nolol iyo Rajo-rumaynta isu-socodka Dadka,Duunyada iyo Gaadiidka ee Bulshada"

Magaalada Garbo waxa lagu soo gunanaday waxyaabihi lagala kulmay dhamaanba gobolka Nogob oo uu wafdugu xusuus ahaan xuddunta ugu xidhay.

Subaxnimadii saaka ayuu wafdigu u kabaallaystay jihada koonfureed ee dhinaca Gobolka Shabeelle halkaas oo uu sii maray Tuulooyinka Yoocaale oo uu watigu hadhgalay islamarkaana ay si heer sare ah ay Shacabku waftiga ku soo dhaweeyeen iyadoona uu waftigu kulan balaadhan uu kula yeeshay Qaybaha Bulshada halka ay hawlwadeenada Caafimaadkuna ay Dawooyin isugu jiray Kuwa Xoolaha iyo dadka ay u Qaybinayeen Bulshada Yoocaale,ka dibna tuulada Mara-maydh iyo higlaalo-biir,sidoo kale waftiga ayaa soo maray Tuulada Burqa-yar oo ah halka ay iskaga daraan laagaha Caanka ah ee ku daaca magaalada Dhanaan laguna magacaabo Ooman iyo Bawa, halkaasoo lagula hadlay shacabka lana booqday xarunta caafimaadka tuulaadas oo tababro iyo dawooyin la siiyay.

Sidoo kale waftiga ayaa Ku Soo Afuray Maanta Tuulada Shiniile oo uu ku yaalo Ceelasha ay biyahooda aadka u jecel yahay Geelu ee uu ku jeel-baxo halkaasoo uu waftigu uu xogwaraysi la yeeshay qaybaha bulshada islamarkaana Bulshada la siiyay dawooyinka Xoolaha iyo dadkaba islamarkaana Berito ay Khabiirada caafimaadka ee waftiga la socda ay Dib ugu soo noqon doonaan Shiniile oo ay tababro siin Doonaan.

 

Dhanka kale madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa Fiidnimadii Caynka kaga Jaray Magaalada Dhanaan ee Xarunta Degmada Dhanaan oo ah rug ay M/Weynaha aqoon dheer isu leeyihiin (maadama uu M/Weynuhu booqashooyin kala duwan hore ugu yimid) ayaa soo dhaweyn diiran iyo gogol marti-soor u fidisey waftiga iyadoo ay dhamaanba qaybaha shacabku kala horyimaadeen waftiga caleemo qoyan,calamo iyo ku dhawaaqida halkudhegyo muujinayay Horumarka,N/galyada iyo maamulka suuban; taasoo astaanteedu tahay suugaan, cayaaraha dhaqanka iyo haasaawaha odayaasha oo dhamaantoodba loo adeegsado tebinta farriimaha shacabka ka turjumaya.

Isku soo wada soohoo Socdaalkii madaxweynaha DDSI iyo waftigiisa ayaa u Xuub-siibtay Socdaalka rajo iyo Nolol oo ka Bilaabmaya Gobolka Shabeele oo ay Caawa ku sugan yihiin xarunta Degmada Dhanaan ee magaalada Dhanaan oo Taariikh Qadiimi ah leh.