Shirkada ACE oo Aalada ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ee Biyaha Soo Tuura Ka Hirgalisay Tuulada Qudhac Mataan ee Degmada Gursum.

Gursum(CakaaraNews) Sabti July 13,2013.Qorshayaasha Xukuumada DDSI iyo DFI ee Kobaca Dhaqaale ayaa ku astaysan sidii Bulshada loo Gaadhsiin lahaa isbedel horumarineed iyo Kobac Dhaqaale si looga Gudbo Saboolnimada iyo Gaajada,Waxaa sidoo kale ka mida qorsheyaashas ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ah.

Hadaba Shirkada ACE oo ah Shirkad wadani ah takhasus dheerna u leh xeeladaha ka faaiidaysiga Farsamooyinka casriga ah(Renewable Energy) kuwaasoo ay ka mid yihiin ka faaiidaysiga Quwada Dabaysha(Wind Energy),ka faaiidaysiga tamarta Cadceeda (Solar Energy), ka faaiidaysiga Tamarta laga dhaliyo Qashin-saarka(Bio-gas Energy), ka faaiidaysiga Tamarta laga Dhaliyo Biyaha(Hydro-Energy) iyo Tamarta laga Dhaliyo Heerkulka(Thermal- energy) ayaa waxa ay Ku xidhay Ceelasha Biyaha ee Tuulada Qudhac-mataan ee Degmada Gursum Qalabka tamarta Cadceeda(Solar pump) islamarkaana uu si xawli ah uga soo tuuray Biyihii iyadoona ay Shacabka iyo xooluhuba ay si fiican uga cabaan, islamarkasna bogaadiyeen waxqabadka Xukuumada iyo shirkada ACE.

Dhanka kale shirkada ACE ayaa hada ka hor ka Hirgalisay Degmooyin ka mida DDSI Mashaariic la xidhiidha ka faaiidaysiga Tamarta dabiiciga ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Degmada gaashaamo oo ay u saareen war-biyoodka aalada Biyo-saarka oo ku shaqeyneysa Tamarta Qoraxda. Sidoo kalana ay ceelal-Biyood kalena saareen isla Aalada Qoraxda oo si toos iyo xawliba leh uga soo tuurta Biyaha.

Cilmiga ka faaiiysiga tamarta dabiiciga ah ayaa ka mida Hindisayaasha ugu waawayn ee ay dunidu higsanayso Mustaqbalka taasoo lagaga kaaftoomi Doono shidaalkii iyo Kharahkii badnaa ee ku bixi jiray matoorada, Baabuurta iwm.

Isku soo wada soohoo mashruucan ay Shirkada ACE ka Fulisay Degmada Gursum ee Gobolka Faafan ayaa Ay Fulinteeda lahaayeen hay'ada gargaarka ee OWDA oo qandaraaska Siisay ACE.