Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii Oo saaka Tegay Degmada Cusub ee Ceel-Wayne Kuna Soo Noqday Caawa Magaalada Godey.

Ceel-wayne(CakaaraNews) Sabti July 13,2013.Socdaalkii Madaxweynaha DDSI ee loogu Magacdaray Nolol iyo Rajo-rumaynta isu-socodka Dadka,Duunyada iyo Gaadiidka ee Bulshada ayaa saaka u heensaystay Dhanka Degmada Ceel-wayne halkaas oo ay Dhamaanba Qaybaha Shacabku si Diiran ugu soo Dhaweeyeen iyagoo masaafo dheer kaga hor yimid Waftiga.

Madaxweynaha Ayaa fagaare kula hadlay Qaybaha Shacabka ee xarunta Degmada Ceel-wayne islamarkaana xog ka siiyay Qorshayaasha xukuumada ee ku adan Mashaaricaha Horumarineed ee Degmada Ceelwayneiyadoona halkaa loogu qaybiyay dawooyinka Xooaha iyo dadka oo ay hawlwadeenada Caafimaadka ee la socday waftigu siinayeen sidoo kalana la siiyay tabaro la xidhiidha Dawaynta iyo Talaalka.

Dhanka waxgaradka ayaa aad ugu mahadnaqay Booqashada madaxweynaha iyo waftigiisu ku yimaadeen Degmada Ceelwayne iyo mashaariicaha xawliga ah ee ay Xukuumadu ka Taabogalisay sanad-miisaaniyadeedkii Dhamaaday kuwaasoo ay ka mid yihiin Dhismayaasha Xarunta Caafimaadka,waxbarashada,Xafiisyada dawlada Heerarkooda iyo Mashaariico kalaba. Madaxweynaha iyo waftiga ayaa Booqday Dhamaanba dhismayaasha Mashaariicaha Horumarineed ee ka Socda magaalada Xarunta Degmada Ceel-wayne kuwaasoo ay Dhamaantoodba Gebo-gebo marayaan Dhismayaasha Mashaariicaha Xafiisyada maamulka Degmada,xarun Caafimaad,Dugsiga Waxbarashad iyo Kuwo kale.

Sidoo kale Madaxweynha iyo waftigiisa ayaa Intii ay ku sugnaayeen Ceel-wayne booqday Laagta Ay caanka ku tahay Ceel-wayne ee lagu magacaabo Laagta Gabi-daanyeer oo Ay raxan raxan daanyeero ah ku nool yihiin.

Isku soo Wada Soohoo waftiga ayaa Casar gaabadkii ka soo gadoomay Degmada Ceel-wayne iyagoo cagta soo saaray Wadada Toobiyaha u ah Magaalada Godey halkaasoo ay Caawa Si heer sare ah ay madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisa ugu soo dhaweeyeen magaalada Godey Qaybaha Shacabka,Maamulka Gobolkaa shabeele iyo Maamulka Degmada Godey.

Wixii ka soo kordha Joogitaanka Madaxwnaha iyo waftigiisa magaalada Godey iyo Kulamada ay qaban doonaan ha ka fogaan Cakaaranews ayaa Durba idiin soo daabici doonta.