Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade(Calan Saxa) oo Guud Ahaan Musliminta Gaar Ahaaa Shacabka DDSI ugu Bishaaraynaysa Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ka Faaiideysigeeda.

USA(CakaaraNews) Axad July 14,2013.Duuliye Sare Calan saxa ayaa Guud ahaan Muslimiinta Gaar ahaana Shacabweynaha Muslimiinta Itoobiya ugu bishaaraynaysa ka faaiidaysiga Fadliga,Ajarka iyo Xasanaadka ay ku fadhido Bisha barakysan ee Ramadaan Tidhina:-Walaalayaal, waxaa inoo bilaabatay Bishii Fadliga iyo Khayrka badan xambaarsaneyd ee Ramadaan, ahna Bil uu Ilaahay (s.w.t.) ka fadilay Bilaha kale.

waa Bil mudan in laga faa'iideysto oo lala yimaaddo cibaado dheeraad ah, mana ogid inaad Bisha dambee Ramadaan aad nolol ama caafimaad-qab ku gaadhi doontid, haddaba Ruux walboo Muslim ah, waa inuu ka faa' iideystaa Bishan barakeysan ee Ramadaan. Waxaana ku jira faa' iidooyin farabbadan oo aan qoraal lagu soo koobi kareyn.

ruuxii ay soo marto isagoo caafimaad qaba oo haddana ka faa' iideysan waaya, waa ruux hoogay oo khasaaray (Wal Ciyaaddu Billaah). Walaalka Muslimka ahoow, fursado badan ayey leedahay Bishan barakeysane, yaaney ku seegin faa' iidadeeda.

Bisha Ramadaan waa Bisha la soo dejiyay Kitaabbada kuwa ugu fadliga badan oo lagu soo dejiyay Nabiyada kuwa ugu fadliga badan (Nabadgelyo iyo Naxariis korkooda Allaha ka yeelee), waxaana Kitaabbadaasi ka mid ah Kitaabka Qur'aanka Kariimkawaxaana si gaar ahaaneed loo soo dejiyay Habeenka Fadliga iyo Khayrka badan ee (Laylatul-Qadri) ga loo yaqaan.

Bisha Ramadaan Albaabbada Jannada ayaa la wada furaa, kuwa Naartana waa la wada xidhaa, Shayaadhiintana waa la wada katiinadeeyaa oo la xabbisaa illaa inta ay ka dhammaaneyso Bisha Ramadaan. Sidoo kale Bisha Ramadaan wuxuu Ilaahay (s.w.t.) ku dhex qariyay Habeen ka fadli badan kun bilood, taasoo macnaheedu yahay in Habeen kasta cibaada iyo Alla-bari lala yimaaddo oo aan la caajisin, si Habeenkaasi oo ka khayrka badan Kun Bilood, aanu ku seegin oo aadan hawl Adduunyo uga mashquulin.

Habeen walba oo ka mid ah Bisha Ramadaan, Ilaahay (s.w.t.) waxa uu Naarta ka xoreeyaa dad farabbadan oo Ahlu-Naar loo qoray (Wal Ciyaaddu Billaah), marka waxaa loo baahan yahay in Tawbad-keen iyo Dambi-dhaaf lala yimaaddo, oo laga faa' iideysto Bishan Qaaliga ah, waxaadna ogaataa in Bisha Ramadaan la-labo jibbaaro Ajarka, taasoo ah fursad aan mar waliba la heli karin. Haddaba ogsoonoow Soonku waa Tiirka Afaraad ee Shanta Tiir ee Islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan ee Allaah (s.w.t.) Ummaddiisa u soo dejiyay.

Qof waliba oo Muslim ah, waa inuu ogaadaa in Bisha Ramadaan ay tahay Bil Khayr iyo Baraka badan ku duugan-tahay, haddaba nafteyda iyo naftiinnaba waxaan kula dardaarmayaa in fursadda Qaaliga ah ee ina soo martay, aan ka wada faa' iideysanno oo aaney inagu dhaafin cayaar iyo hawla Adduunba, inshaa' Allaah. AAMEEN