Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ka Bogo Silsiladii Socdaalka Taariikhiga M/Waynaha ee ILAYS & IFTIIN iyo NOLOL & RAJO_RUMEYS.

 

Sida la wada ogsoonyahay iyadoo xukuumada eega ka arimisa Degaanka ay xooga saartay kor uqaadidda kaabayaasha dhaqaalaha,hormarinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa hadana waxaa qorshayaasha hormarineed halbowle looga dhigay la tashiga iyo la kulanka  shacabka sida ku cad socdaalada dal iyo dibadba leh ee madaxda DDSI ay ku gaarayaan bulshada ku dhaqan guud ahaan tuulooyinka degaanka iyo kuwa waliba ku dhaqan dalka dibadiisa iyadoo Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafuud uu hogmaaniyana ay gaareen Shanta qaaradood ee aduunka, sida aad kala socoteenba warbaahinta sidaasi awgeed waxaan qormo qoraaleedka aan idin ku soo gudbinaynaa taako taako halka lagu marayo socdaalkan loogu magac daray Nolol & Rajo-Rumeys.

 

 

 

                         

Socdaalkan ayaa waxuu 29kii bishii Tobnaad ee Saney ka soo bilaabmay magaalada jigjiga iyadoo waftiga heer federaalna ay wateen diyaarad khaas ah oo helicopter ah oo ay ku yimaadeen magaalada fiiq si ay xadhiga ooga jaraan mashruuca laydhka 24ka saac ah ee magaalada Fiiq kaas oo ah mashruuc leh quwad koronto oo dhan 132kv awoodana in uu laydhgalin u sameeyo tuulooyinka iyo degmooyinka dhaca 100km oo jiha walba ka ah magaalada fiiq ee xarun goboleedka Gobolka NOGOB ee ILAY IYO IFTIIN loo baxshay .

 

 

 

                          

Mashruucaas oo xadhiga si wada jir ah ooga jareen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiirka Biyaha Tamarta iyo macdanta ee JDFI Alamaayuu Tagne oo hogaaminayay waftigii dowlada dhexe ka socday.

 

Waxuuna waftigaa Dowlada dhexe kasocday ay isla maalinkaa sabtida ahaydba ay ku laabteen Magaalada Adisababa maadaama ay wateen  Diyaarada helicopter ah.

 

 

 

Subaxnimadii Axada abaarihii 7:30 oo bsiha tobnaad ee Saneyna ahayd 30 ayaa loo anbabaxay dhanka degmada Xamaro taas oo ahayd bilowgii socdaalkan taariikhiga ah ee la magac baxay NOLOL IYO RAJO-RUMEYNTA SHACABKA EE DHANKA ISKU SOCODKA DADKA,DUUNYADA IYO GAADIIDKA. Waxaana socdaalka oo uu hogaaminayay M/W DDSI Muaden Cabdi Maxamuud Cumar ku wehlinayay M/w kuxigeenka ahna wasiirka hormarinta magaalooyinka iyo warshadaha iyo masuuliyin isugu jiray wasiiro iyo gudoomiye Goboleedyo.

 

 

 

                                    

Socdaalkan oo dhulka la marayay ayaa waxuu ahaa mid waftiga isu taagay shacabka wadooyinka sii taaganaa ee ku dhaqan Tuulo kastoo wada waftiga u hayo ku taalay waxaana tuulooyinka la maray ka mid ahaa HODANWEYNE , QUDHAC MAYDAL JIDHACLE, iyadoo duhurnimadkii islamaalinkaa axadda ahaydna la gaaray tuulada HAAR-DHAGAX halkaas oo uu M/W kula hadlay shacabka tuulada iyadoo tuulo walba oo lasoo marayna uu waftiga la qaadanayay qaybaha kala gedisan ee bulshada wada hadal iyo wadatashi labo geesood ah.

 

     

 

                            Socdaalka waftiga ayaa inta kadib ka beedhay wadadii jayga ahayd iyagoo u leexday dhanka toga caanka ee ERER, si ay usoo hubiyaan wadada dowlada ka sameesy sanadkan halkaa ee isku xidhaysa demooyinka XAMARO iyo QUBI, wadadaas oo si ka yaabisay waftiga loo sameeyay , ayaa mudan in la xuso dhibaatadii wado la’aneed ee xalka loo helay ee ay kamid ahayd in  wax kale iska daaye uusan qof iyo neef xoolo ah uusan ka talaabi kari jirin togas EREREED wadada kaliya ah ee bulshada labadaas degmana ay ahayd in la ga soo wareego  dhul dheer oo ahaa in lasii dhex maro Degaanka OROMIYA taas marar badan keeni jiraty isku dhacyo qowmiyadeed balse arintaas eegga waa dhibaato laga gudbay oo waftiga ayaaba baabuurtooda ku talaabay togan ERREREED.

 

 

 

Waftiga oo aad ugu qancay xeelada iyo farsamada wadan ayaa damcay in ay gaaraan ilo biyeedka sida dabiiciga ah u burqanaya ee loo yaqaan DABALA’ inkastoo dadka reer-miyiga ah ee aagaasi aqoonta u leh ay ooga digeen waftiga in gaaridda Dabale aan gaadiid lagu tagi karin oo ay ka sokeeyaan jid mar holac ah maadama ilaa iyo shan jiirood oo fanasho u baahan Jiir Geelna ka mid tahay.

 

 

 

 balse taasi ma quusinin waftiga oo waxay jiiro jeexaan oo ay ka dhaadhacaanba waxay is dul taageen oo ay durduurteen biyo dhigii ilo biyoodka DABALA’ iyadoo waftiga ku qaadatay gaaridda Dabale ugu yaraan 7 saacadood oo lugah, dhul wada qow ah oo cirka un banaanyahay oo sii socod iyo soo socod ba ah.

 

 

                                 Intaa kadib ayuu waftiga casar gaaban usoo caraabay dhanka degmada Xamaro iyadoo degmada Xamarana lasoo gaaray xili fiid hore ah abaarahii 7:00  fiidnimo waxuuna waftiga habeenkaa baryay Degmada Xamaro.

 

 

 

Maalinimadii isniinta oo bisha koob iyo tobnaadna ee hamlana ay kow ahaydna shir uu M/W la yeeshay qeybaha kala gadisan ee bulshada Xamaro kadibna abaaro 9:00 barqanimana loo sii dhaqaajiyay dhanka Tuulada Gasaangas iyadoo la sii maray Tuulada DHURWAALE.

 

 duhur hortiiba waxaa la gaaray Gasaangas oo shacabkeeda ay sii tubnaayeen labada dhinac ee wadada soo dhaweyn diiranna kala horyimid waftiga ,wada hadal gaaban oo uu M/W DDSI Muadne Cabdi Maxamuud Cumar la yeeshay reer Gasaangas kadibna la wajahay dhanka Geel doox, iyadoo la sii maray tuulada Darida waxaana loo leexday dhanka Geeldoox gaar ahaan halka uu Toga Daakhato ooga daro Wabiga shabeele, halkaas mashruuca dhismaha wado iyo buundo  laga sameeynayay uu ka socday,  balse wada tashi lala sameeyay shacabka iyo isla qaadaa dhig  badan kadib waxay ka fursan wayday in lagu laabto oo la baryo tuulada gasaangas si wadatashi iyo daraasadeyn dheeraad ah loogu sameeyo halka laga taagayo buunada isku xidhaysa Xamaro iyo degmooyinka Lagahida iyo Salaxaad .

 

 

 

Subaxnimadii  bisha Hamle 2 ahayd latashi la la smeeyay odayaasha degaanadana loo dhaqaaqay dhanka Hilada Waangey oo Tuulada Gasaangas u jirta ilaa iyo 63km oo 23km oo kamid ah ay u baahantahay in la lugeeyo sida ay waftiga ku wargaliyeen odayaasha aqoonta iyo waayo aragnimada durugsan u leh dhulkan , waxayna kolonyadii baabuurta ahayd watiga sii  boodheeyaanba waxay is dul taageen Qowga Dulgaduud iyagoo soo jaray masaafo dhan 40km balse intaa kadib ay noqotay in la cageeyo si loogu dhaadhaco hilada Waangay ama darmadi Wabi shabeele iyo Toga Dhaaroole oo ahTog dhex mara Degmada Lagahida.

 

 

 

 

                                       Ugu yaraan 3 sadex saacadood ayayna waftiga ku qaadatay in ay gaaran Darmida Waangey iyadoo laga dhaadhacay Ganba xoor iyo jiirta JIIR ADHI  halkaas oo waftiga duqeyda dhulka aqoontiisa ku xeeldheer ay isla go’aamiyeen in buundada laga dhigo darmida waangay taas oo ahayd go’aan si wada jir ah loo gaaray rafaad badan kadib ,

 

 

 

 

 

Casar dabadii ayayna ahayd markii loo soo jeesstay dhanka qowga dul gaduud oo ah halkii duhur dabadii looga soo tagay wixii gaadiid la watay daal iyo dihaal badan oo uu keenay qowyada lasii tafayay ayaa  sadex saacadood kadib abaaraha 7dii oo daqiiqada la’ uu soo gaaray waftiga dusha dulgaduud iyagoo itaa kaidb loo soo jeestay dhanka Tuulada Gasaangas 9:30 kii fiidnimo ayaana gasaangas guure lagu soo galay taas oo  ka dhigaysa in Gasaangas waftiga uu u hoyday labo habeen.

 

 

 

 

3dii bisha hamle ayuuna waftiga ka soo anbabaxay  tuulada Gasangas iyadoo lagu sii jeedo dhanka degmada Dhuxun, Tuulada Dari markii la dhaafay ayaana wadada jayga ah laga leexday waxan lagu hakaday oo la hadhgalay tuulada barmiil iaydoo alsii maray tuulooyinka kala ah Gansaaley iyoJajabe.

 

                    

 

                  Iyadoo halkasna uu ka dhacay kulan balaadhan oo ay yeesheen waftiga M/W hogaaminayo iyo bulshada barmiil kaas oo looga wada hadlay arimaha danta guud ee umada sida nabadgalyada hormarka iyagoo bulshada dhankooda soo jeediyay baahiyahooda u baahan waxqabadka xukuumada taas oo uu waftiga qaatay balan qaad uu ka smaeeyay waxqabadyadii la codsaday.

 

 

 

waxaana intaa kadibna xilli maqrib ku dhow uu waftiga usii socdaalay dhanka degamada Dhuxun,Iyadoo la  sii qaaday wado dayactir badan u baahan jarayna dhul daaqsimeed dibir iyo suubaan isugu jira waxayna waftiga sidoo kale sii mareen marinka caanka ah ee IRIDDA  loo yaaqaan halkaas oo ah bilowga buuraha caan baxay ee QARI JIQOOD .

 

 

 

Saacada oo8dii fiidnimo daqiiqado waydaaratay  ayaana la galay Degmada Dhuxun iyadoo shacabka ay xiligaas soo dhaweyn lasii tagnaayen duleedka magaalada dhuxun habeenkaasna waxaa loo hoyday degmada dhuxun .

 

 

 

4tii bisha ayaa ku bilaabmatay kulan balaadhan oo uu M/W la yeeshay shacabka Degmada Dhuxun ayaana wada cagta la soo saaray islamarkaana loo jeestay dhanka Degmada Garbo ee Gobolkan Nogob.

 

 

 

 

 

Waxaa sidoo kale lagu hakaday oo kulamo wada tashi ah lala yeeshay shacabka ku dhaqan tuulooyinka kala ah Daarisalam Dharmaajaleey ama qar gibil iyo Tuulada uu ku  yaalo ceelka caanka ah ee Malayko , maqribnimadii maalinkaas  ayaana lagu soo hoyday magaalada camiran ee Garbo .

 

 

 

socdaalkan loogu magac daray nolol iyo rajo rumeynta shacabka ee dhanka isku socodka dadka ,duunyada iyo gaadiidka oo loog gol-lahaa sidii xukuumada ula kulmi lahayd shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo duddooyinka degaanka ayaa waxuu ahaa mid kulan balaadhan uu ka dhacayay Degmo kastoo socdaalkan lagu maray.

 

 

 

 

 

Degmada Garbana waxaa ka qabsoomay sidoo  kale mid ka mid ah kulamadan wadatashiga bulshada ah.

 

 

 

 5tii bisha hamle kulankaas kadib ayaa waxaa Garba laga sooo aaday dhanka Degmada Dhanaan iyadoo la soo maray tuulooyinka kala ah Sanxaskulaha dhariineed, yoocaalaha garbo, Marameydh iyadaoo in taa kadibna lagu soo baxay bankii Habaar waalid bankaas oo ay is dhex daaqayeen ugaadh aad u tira badan iyo xoolo kala duwan maada uu banka cosb ku ahaa daaq bilcsan oo aan ka carabaabi karo boqorka daaqa xoolaha ee loo yaqaano dareemada,ka hor in ta aan la soo gaarin tuulada Higlalala  biir oo ah degaanta ugu horeesay ee aan u ka soo galay Gobolka shabeele.

 

 

 

waxaa sidoo kale waftiga uu ku hakaday shacka ku noolna ay wada hadleen tuulada Burqa-yar iyadoo maqribnimana lagsoo baxay tuuladaasi  Burqa-yar lana soo agaray abaaraha  8dii fiidnimo tuulada shiniile ee usoo xigta magaalada Dhanaan, halkaas oo ay shacabka sii sugayeen waftiga wafigana uu u sheegay in lagu soo laaban doono subaxnimidkii uuna sii watay safarkiisa iyadoo magaalada dhanaan ee xarunta degmada dhanaana la gaaray oo guure lagu galay xili saacadu daba martay 9kii fiidnimo.

 

        6dii bishan hamle ayuu  waftiga ilaa 10kii barqanimo waftiga kulan balaadhan la qaatay bulshada magaalada Dhanaan kadib  isu kala qeybiayay in uu kala dhaqaaqo tuulada Shiniile oo sida balantu ahayd ahaa in lagu laabto, iyo dhanka degmada cusub ee Ceelweyne halkaas oo waftiga badidii uu u ruqaansaday , ceelweyne ayuuna waftiga gaaray duhur horaba iyadoo lasii maray tuula qorra , M/W ayaana magaalada Ceelweyne  kula hadlay shacabka degmada Ceelweyne oo aad ugu faraxsanaa in M/W degaanka soo gaaro kulankaa kadibna ayuuna M/W booqday laagta ceelweyne oo ah halka loogu magac daray degmadan Ceelweyne iyo qarrida loo yaqaaan Qari Daanyeer.

 

Ceelweyne oo kamid ah degmooyinka cusub ayaa baaxada dadka degay iyo dhismayaasha degaamaynta marka aad eegto waxay tahay degmada ugu xowliga badan dhanka kobaca .

 

 

 

 waftiga ayaan inta kadib casar gaaban usoo anbabaxay dhanka magalaada Goday ee xarunta Gobolk SHabeele iyadoo wada laamiga ah laga soo fuulay magaalada Dhanaan xili maqrib ah habeenimana la soo maray tuulooyinka laamiga saaran ee u dhaxeeya Dhanaan iyo Goday oo kala ah IJIID HADHAAWE, CILAANLE  iyadoo also gaaray magaalada Godayna abaaraha 8dii fiidnimo

Subaxnimadii bisha hamle 7 ahayd ayuu M/W DDSI Mudane CMC ayaana la kulmay Odayaasha Gobolka Shabeele Gaarahaan waxgaradka iyo odayaasha Ismaamulka IYO Degmada Goday halkaas oo uu si kooban ugu soo bandhigay warbixnta labadii socdaal oo faahfaahsan, iyadoo odayaashana dhankooda aad usoo dhaweyay socdaalada M/W kuna tilmaamay socdaalkan M/W lug iyo baabur uu waftiga kusoo GUUl taariikhi ah iyo Geesinimo ay Xukuumadda DDSI muujisay .

Isku soo wada duuboo odayasha warbixinta dhuuxay ku sheegen in yahay mid socdaalka ayaa dhabar-jab gunaanad,iyo mar aka qaad ku yahay ururka ciyaarta ka fadhiistay ee UBBO gaarahaan QOOBWEYNTA UBBO ee qurbaha ku nool iyo maamuladii fadhiidka iyo dulsaarka ahaa ee degaanka ka soo jiri jiray. Iyadoo arimaha gaadhka ka dhigaya socdaalka ay yihiin in uu ahaa mid lug iyo gaadiid habeen iyo maakin lagu maray 35 tuulo oo kamid gobalada Nogob iyo Shabeele,iyo waliba masaafo dhan 958km.

Waxuu socdaalkan kusoo beegamayaa bisha ramadaan iyadoo la soomanyahay,

dhanka kale waxaa sidoo kale gaadhka ka dhigaya ayaa ah in dhamaan magaalooyinka loo hoyanayay lagu soo galayay guure saq dhexe.

 Iyadoo 8 bshan oo bari ahna uu waftiga usii jeesan doona dhanka Gobolka Afdheer gaar ahaa waxaa lagu horeenayaa degmada Raaso ee Gobolkaas Afdheer.