Fari kama Qodna Himilooyinka iyo Saadaasha Socdaalka Nolol iyo rajo-Rumays Caawana waxaa lagu Furay Degmada Iimay- Bari.

Iimay-Bari(CakaaraNews) Isniin July 15,2013.waxaa hubaala in aynu kawada dheregsanahay Saadaasha iyo Himilooyinka Socdaalada Gun iyo Baar ee uu madaxweynuha DDSI ku bartilmaamedsanayo Dhugashada taakao kasta oo ka mida deegaankakuna nool yihiin Shacabka DDSI Natiijooyinka ka dhashana Degdegsiimo ku wada maansheeyay Bulshada Diiftu ka muuqatay Horaa loo yidhi "Bariidaba Waa Sad",islamarkaana Shacabka qaarba ula baxeen Socdaalada Magacyo baraad Li'i uga marag kacaya Arwaada Quluubtooda Dhadhansaday Neecawda Nololeed ee ka dhashay Houmarka Baaxada wayn ee daran dooriga ah iyo taabogainta Qorshayaasha Xukuumada Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban kuwaasoo uu dhamaantood hirgalintooda uu Diirada ku hayo madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Qaar ka mida Shacabka Deegaanka ee Dhadhansaday maxsuulka ka dhasha Booqashada Madaxweynaha ayaa natiijada ugu yeedha ama ku tilmaansaday dal- daweeye,Iftiin iyo Kaaha ama ilays,rajo-rumays,Nolol Askume,Neecaw Caafimaad,sama-wade,Rooble,Daacad,Dulmi-diid,Horseede,Mideeye,Qaran-Doon iyo Magacyo kale.

Sidoo kale Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay kuna Dhaqan daafaha Dunida kana qoqobnaan jiray Deegaanka,ehelkood iyo qoysaskoodii ayaa helay fursad yididiilo dhaxlsiisay ka dib markii uu albaabka ku garaaceen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa Booqashadii ay so gaafwareegeen 5ta Qaaradood uguna baaqay Qurbajoogta Fagaarayaal wada-tashi,Dhiilo Nabadeed iyo Buuxinta Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada iyo Maalgashiga taasoo kalsooni buuxda galisay Qurbajoogta natiijadii ka dhalatayna noqotay Qulka raxan-raxaneed mid kastaana u guntaday buuxinta Doorka kaga aadan Maalgashiga,Horumarka,N/galyada iyo maamulka-suuban.

Shaki kuma jiro in aynu maankena kuwada hayno in xukuumada maanta jirta ee uu hogaankeeda hayomadaxweyne Mudane CMC in ay guntiga dhiisha iskaga dhigtay kor u qaadida heerka nolosha shacabka deegaanka,islaamarkaana sugtay Astaynta lagu suntay Qorshayaasha Xukuumada DDSI eeSanadlaha ah,Bilaha,Todobaadlaha iyo Qorshaha 5ta Sano ee Kobaca Dhaqaale kuwaasoo dhamaantood u dhaqn galay ama socda sidii loogu talo galay,suurto galiyayna natiijo horumarineed oo aasaas u noqotay Yididiilada Nolosha shacabka kuwaasoo dhamaantood suurto galiyay Dhamaanba adeegyada aasaasga iyo kaabayaasha dhaqaale.

Caad inagama:- saarna Socdaalada Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisu ugu heenyaysteen u kuurgalida xaalada Nolosha shacabka Deegaanka uguna cawo baryaan Xaqiijinta hirgalka adeegyada Horumarineed in lagu xaqiiqsaday Doorka ka qaybgalinta bulshada Qoshayaasha Horumarineed taasoo diirada lagu saaray ka haqabtirida Baahiyaha aasaasiga iyo Helida adeegyada bar-bilowga u ah nolosha sida biyaha,waxb,caafimaadka,wadooyinka,isgaadhsiinta,korontada iyo Fursadaha koboca dhaqaale.(Maankagana ku Xaji in Xukuumadu sanadkii Dhamaaday ay Biyaha Dhulka Hoostiisa ka soo tuurtay Ceel-biyoodkii ugu Dheeraa Sida Degmada marsin iyo Degmada Xarshin oo Durduurtay Helida Biyo Nadiif ah).

ka sakow natiijooyinka horumarineed ee ay bulshadu ka dhaxashay socdaalada madaxweynaha iyo Qorshayaasha xukuumadaba,qormayadayadii ugudanbaysayayaynu wada dheehanay muuqaal koobayay taxanaha silsilada Socdaalka madaxweynaha DDSI iyo waftigiisu ku gaafwareegayaan Gobolada,faafan,Nogob iyo Shabeele.

Dulucda Qormadayadan ayaa ku Astaysan bal aynu ka sii yara ruqaansano halkii inoogu wada danbayay ama ku ogayn Madaxweynaha DDSI iyo waftigiisa oo ay xalay baryeen Magaalada Xarunta Gobolka Shabeele ee Godey. Saaka ayaa ay madaxweynaha DDSI iyo masuuliyiintii ku lamaanaydbaa ay u Ruqaansadeen Toobiyaha wadada Dhanka Gobolka Afdheer iyagoo tuulooyinka ay sii marayeen ku sii hakaday saacado shacabkii tubnaa wadooyinka awgeed. waxay kolba Tuulo,Beel ama safar wadada hayayba ku hakadaan waftiga ayaa ugu danbayn kufuray Magaalada Iimay-Bari ee xarunta u ah Degmada Iimay-bari ee Gobolka Afdheer.

la soco hayaanka Socdaalka Nolol iyo rajo-Rumays Qaybaha Xiga.