Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hogaaminta hay'ada Gargaarka SEWD oo Si Kal iyo Laaba Uga maqsuuday Socdaalada taxanaha Ah ee madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa Looguna Magac Daray Nolol iyo Rajo-rumays.

Minniapolise(CakaaraNews) Talaado July 16,2013.Hogaaminta hay'ada gargaarka ee lagu magacaabo SEWD fadhigooda ugu wayna yahay cariga Maraykanka gaar ahaan Minniapolise ayaa email ay noo soo direen ku muujiyay Taageerada Bogaadineed iyo sida ay ula dhacsan yihiin Yididiilada Natiijooyinka Socdaalada Taxanaha ah ee Madaxweynaha DDSI iyo Masuuliyiinta ku lamaanba ku gaafwareegayaan Gobolka Nogob socdeena ilaa taxadka Buuraha qari-juqood taasooy Gabdhuhaha Hogaaminta SEWD ku musanaabeen Madaxweyne Daacada,Daneeya oo Daryeela Daranyada Bulshada Dad iyo Duunyaba.

Gudoomiayaha Hay'ada gargaarka SEWD marwo Fowsiya Cali iyo Gudoomiye Ku-xigeenka haay'ada marwo Canab Cali ayaa aad si kal iyo laaba ugu mahadnaqay una hambalyeeyay Natiijooyinka laga dhaxlay Socdaalada taxanaha ah ee Ilays iyo Iftiin(Kaah) iyo Nolol iyo Rajo-rumays ee uu Ku marayo madaxweynaha DDSI Xili lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan uu kula qaybsanayo Heerka Nolosha Shacabweynaha Deegaanka.

Gabdhahan ayaa Dhexda u xidhay sidii ay Door-wadaniyadeed uga qaadan lahaayeen ka qaybqaadashada Horumarka ka taabogalay Deegaanka iyo Deeqahaha gargaarka caruurta ay Waalidtireen Nabad-diidku iyo Dhalinta Danyarta ah ee ay daranyada nololeed haysato. Hada ka hor ayaa ay Gabdhani Shixnado gargaar oo ka koobnaa Qalabyo Qaali ah oo isugu jiray Qalabka Caafimaadka,Waxbarashada,Dhar,Buugaag iyo Qalayo kalaba Deeq ahaaan ku soo gaadhsiiyay Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada Caruurta ay waalidtireen Naba-diidku iyo wasaarada Caafimaadka DDSI.

Isku Soo wada Soohoo Gabdhan ayaa Door firfircoon kaqaata Horumarka ka haoqaaday Deegaanka una Guntaday in kaalin mug leh ka Qaataan Noqotayna Muunad waxqabad wadaniyadeed oo kudayasho mudan.