Xidiga-Fabregas Uma Socdo Kooxda Man-United:Tababare Tito Oo Ka Shakiga Ka Saaray Taageerayaasha Barcelona

Barca(CakaaraSport) Arbaco July 17,2013.Tababaraha Kooxda Barcelona Tito-Vilanova ayaa shakiga ka saaray taageerayaasha Barcelona kadib markii uu beeniyay wararkii maalmahanla isla dhexmarayay oo sheegayey in Febragas uu ku wajahan-yahay Kooxda Man-United oo ku naawilaysay aduun-gaaraya 27-malyan oo Pound.

Tababare Tito ayaa laga soo xigtay in Febragas uu jecel-yahay weli inuu ku sii negaado Garoonka Camp-Nou,waxaana la filayaa bilaha soo socda in kunturadii uu Kooxda Barca la galay loo kordhiyo,iyadoo weliba lacago loogu saa'idinayo si aysan u xod-xodan Kooxda Man-United oo kharash badan u sheegtay Laacibkan khadka dhexe ka ciyaara Dalka Spaain  Febragas ahna ninka 2-aad ee ugu safasha badan Ciyaarakaha La Liga ee Dalka-Spain marka laga reebo Laacib Valdes