Ugaas C/laahi Cabdi Aar Laba-Qayd oo bogaadiyay socdaalada Taxanaha iyo taariikhiga ah ee madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu ku marayaan Lugta Qaar ka Mida Gobolada Looguna Magac daray Nolol iyo Rajo-Rumays.

Nairobi(CakaaraNews) Arbaco July 17,2013. Sida la wada ogsoonyahay in xukuumada haatan ka arimisa Degaanka ay xooga saartay kor uqaadidda kaabayaasha dhaqaalaha,hormarinta adeegyada aas- aasiga ah iyo Doorka ka qaybgalka Bulshada ayaa hadana waxaa qorshayaasheeda hormarineed halbowle looga dhigay la tashiga iyo kulamada wada-xaajoodka Qaybaha Bulshada sida ku cad socdaalada dal iyo dibadba leh ee madaxda DDSI ay ku bartilmaameedsadeen 5ta Qaaradood ee Dunida iskaba daa taako ka mida deegaanka,islamarkaana aad ayay ugu wada riyaaqeen jawiga fagaarayaasha wada-tashiga ee Xukuumada kuna Calool fayoobaadeen Dhamaanba Shacabweynaha ka soo jeea Deegaanka natiijooyinka Yididiilada Horumar,N/galyo Maamul Suuban ee ka dhashay Aragtida Waxqabadka daacad,Cadaaladeed ee Madaxweynaha DDSI.

Hadaba Ugaas C/laahi Cabdi Aar laba-qayb oo khadka telifoonka kula soo xidhiidhay Wariyaha Cakaara isaga oo jooga magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn ugu bogaadinayo xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar isaga oo sheegay ugaas laba qayb in ay marnaba wax aan la ilaawi Karin tahay socdaalada horumarineed ee uu madaxwaynaha iyo xukuumadiisu ku marayaan qaar ka mid ah gobolada DDSI isago oo buu yidhi horena ay xukuumadu socdaala hore oo baal dahabka ka galay khaariikhda deegaanka iyo Quluubta Shacabweynaha Dal iyo Dibad ayaa waxaa hadana xasuus mudan socdaalada Taxanaha ah ee uu hada ku jiro madaxwaynaha DDSI iyo waftiga uu hogaaminayo sida socdaalka IFTIIN IYO ILAYS ayuu yidhi ugaasku socdaalkaas oo u waday Gobolka Nogob Iftiin iyo Kaah ay u wada maqsuudeen Bulshadu.

Ugaas labaqayd Socdaalka Madaxweynuhu kuma koobnayn Iftiin iyo Kaaha Nogob,balse waxauu Durba Gudagalay Qaybtii 2aad ee Socdaalka oo loogu magac daray Nolol iyo Rajo-rumays,iyadoona Socdaalada Taxanaha ah ee uu Madaxweynuhu ku Gaafwareegayo Guud ahaan Deegaanka uu ka shabaho Taariikhda halgankii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo dagaaladii uu gali jiray ugu magac dari jiray magac. sidoo kale mar uu ugaasku ha hadlayay guud ahaanba horumarka balaadhan ee ay xukuumadu wado ayaa waxa uu yidhi waxaa aan marnaba la ilaawi Karin islamarkaana ah wax ay taariikhdu xusi doonto socdaalka uu madaxwaynaha iyo waftiguusu ku mareen gobolka nogob ee iftiin iyo ilays ee ay xadhiga kaga jareen mashruuca laydhka 24ka saac ah ee magaalada Fiiq kaas oo ah mashruuc leh quwad koronto oo dhan 132kv awoodana in uu laydhgalin u sameeyo tuulooyinka iyo degmooyinka dhaca 100km oo jiha walba ka ah magaalada fiiq ee xarun-goboleedka Gobolka NOGOB,sidoo kalana ay Buurihii qari-juqood Dul mushaaxayeen.

Ugaaska oo hadalkiisa siiwada ayaa sheegay in gobolada nogob oo waayo qaar ahaan jiray meelo uu nabaddiidku gabaad-colaadeed ka dhigtay oo aan wakhtiyadii hore lahayn haba yaraatee wax mashaariic ah oo dhinaca horumarka ah islamarkaana ay xukuumadihii hore ku guul darnaysteen in ay wax ka qabtaan dhinacyada horumarka iyo nabadgalyadaba ayaa waxa siwayn ugu guulaystay in ay ka hirgaliyaan xasilooni iyo horumar taam ah xukuumada uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar.

Dhanka kale ugaaska oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn bogaadin iyo hanbalyo horumarineed u soo diraya madaxwaynaha iyo waftigiisa socdaalka loogu magacdaray NOLOL IYO RAJO-RUMEYNTA SHACABKA EE DHANKA ISKU SOCODKA DADKA,DUUNYADA IYO GAADIIDKA.ee haatan madaxwaynaha iyo waftigu ku marayaan qaarka mid ah gobolada qaar Dhanka kale odayaal iyo waxgaradka ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka keniya oo dhanka Emailka nagula soo xidhiidhay ayaa dhamaantood bogaadiyay socdaalka madaxwayna iyo waftigu ku marayaan qaarka mid ha gobolada DDSI