Xawaaraha Safarka Dheer Nolol iyo Rajo-Rumays ee ay Lugta Ku Marayaan Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisa oo Caawa Ku Sugan Iimey-Galbeed ee Goblka Afdheer.

iimay-Galbeed(CakaaraNews) Arbaco July 17,2013.Socdaalka Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa aanan marna hakad galin socdaalka dheer ee ay ku wajahnaa Gobolada Faafan,Nogob iyo Shabeele oo ay Hore u soo dhameeyeen,islamarkaana badhtanka kaga jira Gobolkii 4aad oo ah Afdheer halka ay ku soo gunaanadi doonaan Socdaalka Nolol iyo Rajo-rumays Gobolka Liibaan oo Noqon Doona Gobolkii 5aad ee ay Waftigu soo maraan.

Socdaaladan Taxanaha ah ee ay Madaxweynaha iyo waftigiisu ku marayaan Gobolda 5ta ah ee Deegaanka ayaa ku soo beegmay Bilowgii Bisha barakaysan ee Ramadaan,iyadoona uu Waftigu ku marayo Lug ama Gaadiid isugu jira Lan-cruiser iyo Kuwa xamuulka oo uu Shidaalka safarku u saaran yahay marna aanan Dareemin Safarka dheer,Cimilada iyo Masaafaha dheer ee ay isu jiraan Goolada iyo Degmooyinka ay Booqanayaan oo ay ku jiraan Deegaano aan waligood aragba Muuqaal Dawadeed oo soo booqda.

habeenkii xalay ahaa ayaa uu waftigu ku sugnaa xarunta Degmada Raaso oo ka dib umulkii oqonaysa markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Deegaanku Booqdo halkaasoo ay si Diiran iugusoo dhaweeyeen Dhamaanba Qaybaha Bulshada ku dhaqan Degmada Raaso.

Saaka ayaa uu Waftigu ka soo jarmaaday Raaso islamarkaana Xawaaraha Baabuurta ay siteen Waftigu ku sii hakanayeen Deegaanada iyo ToobiyayashaSafarada Beeluhu maraan,halkaasoo uu Madaxweynuhu uga degayay Baabuurka slamarkaana Xogwaraysi iyo Deeq gacmeedba isdhaafsanayeen.

Gabal-gaabadkii ayaa ay Mudh ku soo yidhaahdeen waftigu Degmada iimay-galbeed ee Gobolka Afdheer oo ay Qaybaha Bulshada iyo qaabdhismeedyada Dawlada ay sii tubnaayeen wadada kadinka u ah Magaalada Iimay-galbeed,halkaasoo Madaxweynaha iyo wafigiisuba ka dageen Baabuurtii Salaan Diirana uu Madaxweynuhu mid mid ula beegaday dadkii u Tubnaa Soo dhawaynta waftiga lugna ku galay magaalada.

Waxaa Hubaala in aynu Wada Xaqiiqsan karno Ujeedada uu ugu Dhabar adaygay Madaxweynaha DDSI bisha ramadaan in uu Lug ku soo maro Safar aad u Dheer ,Nasasho lahayn Gaadiidkuna Yahay Gawaadhi waa Danta iyo ilka uu Umada u hayo inuu u Guto si cadaaladeed oo ka jawaabta Baahiyaha iyo Nolosha Shacabka.