Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweyne Ku-xigeenka DDSI oo Afur-sharafeed u Sameeyay Qurbajoogta Gobolka Nogob Ugana Mahadceliyay Baaq-wadareedkii ay Ku Soo Saareen Magaalada Nairobi.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis July 18,2013.Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan ayaa caawa ugu sameeyay hotel Nogob Garden Afur-sharafeedQurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Nogob oo ka kala timid Yurub,Ameerika iyo Australia Dhawaana Shirwayne lagu soo saaray Baaq iyo Taageero ugu qabtay Qurbajoogta Nogob caasimada Dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne uxigeenka ayaa uga mahadceliyay Qurbajoogta Gobolka Nogob Dadaalka iyo Iskuduubnida wadaniyadeed ee ay Maskaxdooda,Xogooda iyo Aragtidooda ku aadan ka qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Abaabulka Wacyigalineed ee ku wajahan iskuduubnida Dadka ku abtirsada Gobolka Nogob ee ku kala nool Dalka iyo Dibadabaislamarkaana ay Shir balaadhan ku qabteen Nairobi kuna soo saareen Baaq-wadareed Midaysan oo xudun u noqda Doorka ay ka Qaadan Doonaan taageerada hawlaha Xukuumadu ka Wao Deegaanka Dhinacyada Hrumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba.

Mudane C/fataax ayaa Xukuumad ahaan u balanqaaday in ay Qurbajoogtan ku taageeri doonaan Hirgalinta hindisayaashooda ku aadan Maalgashiga,N/galyadaiyo wacyigalinta Bulshada Nogob dal iyo dibadba,isagoona sharax ka siiyay Qorshayaasha xukuumada ee ku aadan Maalgashiga cidkastoo maalgashanaysa Deegaankana ay Xukuumadu soo dhawaynayso.

Qurbajoogta Gobolka Nogob oo ay Hormuud u yihiin Ugaaska Guud Ugaas Axmed Yuusuf Habane,Ruug Cadaa Mahdi Ayuub,Jacfar oo ah Qurbajoogta Norway,Jamaal Sh,Ibraahin Ingiriiska,Cabdi Dhagacaleen iyo Ayaan Mahdi Ayuub oo ka yimid Canada iyo Australia ayaa isu soo abaabulay sidii ay shacabka ka soo jeeda Nogob meel isugu keeni lahaayeen Aragtidooda,Xoogooda,hantidooda iyo isku duubnida Ka qaybqaadashada Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashiga. Dhanka kaleQurbajoogtan ayaa aad uga mahadcelisay Horumarka xawliga ah ee ay Xukuumada DDSI ka wado Gobolka Nogob,Sida laydhka 24ka saac,Buundooynka,wadooyinka iyo Kaabayaasha dhaqaale kuwaasoo ah markii ugu horaysay ee Gobolka Nogob laga taabo galiyo korna u soo Qaaday Nolosha iyo Xadaarada ganacsiga Shacabka Nogob iyo soo dhawayntii loo sameeyay ayay Yidhaahdeen.

Sidoo kale Qurbajoogtan ayaa balan qaaday in ay Door Firfircoon ka qaadan doonaan Hawlaha Horumarka,N/galyada iyo maamulka Suuban,islamarkaana Ay Xukuumada DDSI k garab istaai doonaan Maalgashi ay ka sameeyaan Deegaanka Gaar ahaan Gobolka Nogob ayay Yidhaahdeen.

Isku Soo wada Soohoo Qurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Nogob ayaa Wada dadaalo ay ku garab istaagayaan Hawlaha Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban ee Xukuumada DDSI ka wado Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana Nogob.