Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Iskashatada wax-soosarka Beeraha Raamale ee Degmada Xarshin oo Sheegtay Kor u Qaadida Suuqgaynta Wax soo-saarkeeda.

Xarshin(CakaaraNews) Khamiis July 18,213.Iskaashatada Waxsoosaarka Beeraha ee Raamaale oo ay ku bahoobeen dad tiradoodu gaadhayso 40 qof oo ku nool Degmada Xarshin ee Gobolka Faafan ayaa saxaafada u sheegay in ay wadaan qorshe kor loogu qaadayo Midhaha waxsoosaarkooda iyo Suuq gayntoodaba maadaama waxsoosaarkoodu kafeeyay Degmada Xarshin uuna ka badan yahay Waxsoosaarkoodu intaa.

Qaar ka mida dadka ku bahoobay Iskaashatadan ayaa sheegay in ay waxsoosaarkooda Midhaha kala duduwan ay u diyaariyeen Dhul dhan 55 Hectar kana beeraan Babaay,Basal,Hadhuudh,Galay,Cambe,Liin iyo Calafka Xoolaha taasooy ka faaiidaystaan waxsoosaarkooda bulshada ku dhaqan Degmada Xarshin. Iskaashatadan ayaa waxsoosaarkeeda kaga faaiidaysata biyaha kaydka Bali-biyoodka wayn ee ay xukuumadu uga Qoday Xarshin,islamarkaana u abuurtay fursad Shaqo Dad badan oo ku nool Degmada Xarshin.