Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasirka Xafiiska Caafimaada DDSI Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI oo Saxaafada u Sheegay Ka Faaiidaysiga Ololaha Wajiga 2aad ee Talaalka Cudurka Dabaysha.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce July 19,2013.Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimadka d,d,s,i mudane c/fataax maxamud xasan oo shir jaraaid xafiiskisa ku qabtay ayaa sheegay in Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo Hawlwadeenadiisu ay diyaargrow balaadhan ugu jiraan ollaha Talaalka Dabaysha Wajigiisa 2aad oo laga fulin doono Dhamaanba Degmooyinka,Maamulada Magaalooyinka iyo Gobolada DDSI si looga hortago xakamaynta Cudurka Dabaysha ee ku dhaca Caruurta Da'doodu tahay ilaa 5 sano.

Wasiirka ayaa tibaaxay in Cudurka Dabayshu uu yahay Xanuun sababa inuu Naafeeyo ama laxaadka Tiro Caruurta aan Qabin Talaalka ka hortaga dabaysha,islamarkaana uu Cudurkani lahayn Dawayn Xiliga uu ku dhaco Caruurta Balse leeyahay Ka Hortag oo ah Talaalkiisa oo Si fiican loo qaato. xafiiska caafimadka ee d,d,s,i ayaa shaacakaqaaday inaydiyaar garaw ugu jiraan bilaabida wareejiilabaad ee talalka cudurka dabaysha talalkan oo ayka faaiidaysanayaa caruurta daddoodu kahoosayso 5sano oo ay tiradoodu dhantahay 886kun.

Ololaha talaalka Cudurka Dabaysha ayaa uu Xafiisku uu Bilaabay wareegii 2aad iyadoo wareegii 1aad si fiican loo soo ebyay iyadoo la kaashanayay Xafiiska Caafimaadka ee DFI iyo hay'ada Caalamiga ah ee WHO iyo UNICEF,iyadoona loo qabtay Fulinta ololaha talaalka Cudurka Dabaysha Wajigiisa 2aad Aduun lacageed oo cagacagaynaya 7.5 Milyan oo Bir,fulintiisana ay ka qaybqaadanayaan Xirfadlayaasha Caafimaadka DDSI oo ay Tiradoodu dhan tahay 5893.

Isku soo wada Soohoo ololahan oo Socon Doona muddo dhan Todoba Cisho( 7 Cisho) ayaa uu Wasiirka Caafimaadka DDSI kula Dardaarmay waalidiinta Deegaanka ee Dhalay Caruurta ay Da'doodu gaadhsiisan tahay ilaa 5 sano in ay Caruurtooda Geeyaan Xarumaha Talaalka ee ugu Dhaw amaba Hawlwadeenada la wareegaya talaalka gaana ku siiyaan,sidoo kalana Hawlwadeenada Caafimaadka kula Dardaarmay in ay Si xilkasnimo leh ugu adeegaan Bulshada meel kasta oo ay joogaan Caruurta Da'doodu gaadhay talaalkana ugaga faaiideeyaan talaalka.