Tababarihii Kooxda Kubada Cagta ee Barcelona oo Is Casilay,Maxay Tahay Sababtu?

Spain(Cakaaraport) Sabti July 20,2013.waxaa jariiradaha Faaqidaada Ciyaaraha ee ka soo baxa Dalka Spain lagu shaaciyay in tababarihii Kooxda Barcelona Tito ilanova uu iska casiay tababaranimadiiKooxda Barcelona.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Tababaranimadii Kooxda Kuada Cagta ah ee Barcelona,isagoona ka codsaday taageerayaasha kooxda Barcelona in u soo alle baryaan isuna soo duceeyaan,kadib markii caafimad-darro ay la soo Deristay Waayadan oo uu la ildaran yahay.

Tababare Tito Vilanova oo ah 44-jir ayaa lagu xasuusta inuu sanadkan Horyaalka La Liga u qaaday Barcelona,balse uu la soo desay Cudurka Dilaaga ah ee Kansarka loo yaqaan,iyadoo Bilahan Qaliin lagu sameeyay dhakhaatiirtuna kula taliyeen in uu faraha ka Qaado Shaqada Tababaranimo oo uu culayska saaro inta cimrigiisa ka dhiman inuu la tacaalocaafimaadkiisa.