Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Fari kama Qodna Socdaalka Dheer Nolol io Rajo-rumays ee Lugta ay maaxweynaha DDSI iyo Waftigiisu Ku Marayaan Gobolka Afdheer iyo Caasimada Hargeele oo Si aan Caadi Ahayn loogu soo dhaweeyay.

Hargeele(CakaaraNews) Sabti July 20,2013.Waxaad Moodaa in Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Waftigiisa ee Ka hor Bisha barakaysan ee Ramadaan Socdaal Dheer oo lug ah kaga soo ambaqaadeen Gobolka Faafan in ay Wakhti badan Siiyeen u kuurgalida iyo Qiimaynta Xaalada Nololeed ee Gobolka Afdheer iyo u kuurgalida heerka ay gaadhsiisan yihiinba Mashaariicaha Horumarineed ee laga hirgaliyay Afdheer.

Xalay ayaa ay inoogu danbaysay Markii ay Waftigu yimaadeen xarunta Degmada ceelkari halkaas oo uu Waftigu kulamo ugu qabtay Fagaarayaal ay ka soo qabgaleen dhamaanba qaybaha Bulshadu oo ay Madaxwaynaha iyo Bulshadu kaga wada arinsadeen Arimaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban,islamarkaana isku waydaarsadeen Afkaaraha wadatshiga Bulshada iyo Xukuumada ee ku aadan Qorshyaasha Dawlada iyo ka qaybgalka bulshada.

Hadaba Waftiga ayaa saaka ka soo Shiraacday Gaadiidkii ay wateen ee ay ku soo beegsadeen socdaalka Taxanaha ahee Nolol iyo rajo-rumays Degmada Ceelkari ee ay Xalay u baryeen,iyagoona inti aynan soo gaadhin Caasimada obolka Afdheer ee Hargeele ku soo hakaday Tuulooyin iyo Beelo aad u badan ee ay Shacabku degan yihiin,islamarkaana uu Madaxweynuhu u Degayay u kuurgalid iyo indhaindhay Xaaladooda nololeedna kulamo la yeelanayay bulshada Waxna ka waydiinayay Baahiyahooda ku aadan adeegyada aaasaasiga ah halkaasoo uu madaxweynuhu balanqaad in Degdeg wax looga qaban doono ka jawaabista baahidooda u soo balanqaaday.

xarunta Gobola Afdheer ayaa Casar gaabadkii ay Waftigu kaga dageen baabuutii Masaafo ka baxsan Magaalada ka dib markii ay Shacab aan tiradooda la qiyaasi karin iyo Qaabdhismeedyada Dawlada oo sitay calao,Caleemo Qoyan iyo Boodhadh ay ku qornaayeen halkudhegyo Soo dhawayneed iyo isbedelada Horumarineed ee ay Xukuumada maanta hirgalisay.sidoo kale Socdaalkan ayaa uu Madaxweynaha iyo waftigiisa uu ku wehelinayaa kuxigeenka afhayeenka Golaha Federationka DFI Mudane Maxamed Rashiid Xaaji. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa Gacanta salaan ula beegsaday baaxadii shacabwaynaha safafka u taagnaa wadooyinka iyagoo ay shacabkii dabaguurayaana ay lug ku soo wada galeen Magaalada hargeele,halkaaasoo waftiga la dejiyay Guryo loogu sii talogalay.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa Afurkii ka dib la galay Shirwayne aadu balaadhan Dhamaanba qaybaha Bulshada iyo waxaradka ku nool Magaalada hargeele oo ay kaga wada tashanayaan arimaha horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban,sioo kalana dhagaysiga iyo ka jawaabista Baahiyaha iyo codsiyada Bulshada.

Shirkan oo wali socda awgeed dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa.