Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada DDSI oo afur-sharafeed u sameeyay qurba joogta ka soo jeeda gobolka Doolo.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad July 21,2013.Wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI Mudane Sanay Xasan Raage ayaa caawa ugu sameeyay hotel Nogob Garden Afur-sharafeedQurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Doolo gaar ahaan beesha Abraahiin oo ka kala timid Yurub,Ameerika iyo Australia kuwaasi oo Dhawaan soo gaadhay deegaanka kulankaasi afur sharafeedka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay qurba joog aad u tiro badan oo ka soo jeeda gobolkaasi doolo labada maareeye ku xigeen ee qurba joogta c/fataax siciid iyo cabdi khaliif (dhoonbe )ganacsato iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda gobolka doolo.

Waxaana ugu horayntii ka hadalay afur-sharafeedkan wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada DDSI mudane sanay xasan Raage wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin Qurbajoogtan tirada badan ee iskuduubni ku soo booqatay Deegaanka iyo doorka qurbajoogtu ka qaadato horumarka,iyadoona sanadihii ugu danbeeyay si xawliya u soo badanayaan qurba joogta u dhalatay deegaanka ee u imanaya deegaankooda sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhinacyada horumarka nabadgalyada ka dib markii ay xukuumada DDSI qaaday dadaal dheer oo ay ku soo martay dhamaan qaaradaha aduunka taasi oo ay masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa ay qurba joogta ku fahansiinayeen ka qayq qaadashada deegaankooda dhinacyada horumarka iyo nabadgalyada.

Wuxuuna sheegay mudane sanay in ay qurba joogtanina ka mid yihiin kuwaasi ku yimiday dadaalka ay xukuumadu samaysay wuxuuna ku amaanay qurba joogta ka soo jeeda gobolka doolo sida fiican ee ay uga qayb qaateen hawlaha horumarka iyo nabadgalyada gaar ahaan dhinaca maalgashiga isaga oo sheegay in ay qurba joogta gobola doolo ay deegaanka ka sameeyeen maalgashi aad u tiro badan mudane sanay oo hadalkiisa siiwata ayaa qurba joogta ka soo jeeda gobola Doolo ku booriyay in ay sii laba jibaaraan dalaalkooda ku aadan dhinaca maalgashiga deegaankooda.

Wuxuuna ugu danbayntii wasiirku xigeenku ugu balan qaaday qurba joogtaasi in ka xukuumad ahaan kala shaqaynayaan hirgalinta qorshayaasha dhinaca maalgashiga.

Dhanka kale xafiiska qurbajoogta oo lagu macsuumay ka soo qaybgalka afursharafeedkan ayaa uu kuxigeenka maareeyaha xafiisku Cabdi khaliif ugu horayn u mahad celiyay dadkii abaabulka sida heerka sare loogu sameeyay Afurkan lahaa oo ugu horeeyo kuxigeenka Wasaarada waxbarashada DDSI Mudane sanay iyo dadkii kala qaybqaatay kana mid ahaayeen axmed nuuriye,sh c/raxmaan iyo qaar kale,isagoona dsheegay xafiis ahaan in ay ku faraxsan yihiin Tirada badan ee isku soo abaabushay Deegaanka,islamarkaana Guud ahaanba Qurbajoogta ka caawin doonaan danahooda.

qaarka mid ah qurba joogta loogu sameeyay afur sharafeedka ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay madashaasi iyaga oo dhamaantood sheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin sida qiimaha leh ay xukuumadu ugu soo dhawaysay deegaankooda sheikh c/rahmaan oo ka mid ahaa qurba joogta ka soo jeeda gobolka doolo ayaa sheegay in ay xukuumada uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar ugu mahad naqayaan guulaha waawayn ee ay ka soo hoysay dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba xidhiidhka wanaagsan ee ay xukuumadu la leedahay qurba joogta ka soo jeeda deegaanka meelkasta oo ay joogaanba.

Ugu danbayntii qurba joogta ka soo jeeda gobolka doolo waxqaradka iyo ganacsatada ka soo jeeda gobolka doolo gaar ahaan beesha abraahiin ayaa waxay soo saareen qaab ay siwayn ugu daageerayaan xukuumada taahan ka arimisa deegaanka ee uu hormuud ka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar guulaha waawayn ee ay ka soo hoysay dhinacyada horumarka xasilinta amniga maamulka suuban iyo waliba taareegada ay xukuumadu u yahayso qurba joogta u dhalatay deegaanka