Tababare Caan ku ah Kubada Kolayga oo Maanta Si wayn loogu soo Dhaweeyay Garaad wiil-waal International-airport

Jigjiga(CakaaraNews) isniin July 22,2013.Waxaa maanta garaanka diyaaraha ee garaad wiil waal international airport soo degay tababaraha Caanka ku ah kubada kolayga(Basketball) Mudane Maxamed Muuse,iyadoona ay Gagida Diyaaradaha ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI kana mid ahaayeen wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada,dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Guure Bisle,wasiirka tababarada,xirfada iyo farsamada DDSI mudane Maxamed Faatax maxamed,wasiirka ka hortaga iyo xakamaynta Hiv/Aids mudane cabdilaahi cabdi adar (hure) wasiir ku xigeenka madaxtooyada mudane cabdi kuus 2da ku- xigeen ee wakaalada qurba joogta DDSI.

Markii uu ka soo dagay garoonka ayaa waxa uu maxamed muuse qolka nasashada ee madaarka ugu waramay saxaafada deegaanka waxa uuna sheegay in siwayn u mahad cilinayo xukuumada DDSI ee sida qiimaha wayn u soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in uu marka labaad siwayn ugu faraxsan yahay guulaha waawayn ee ay xukuumada deegaanku ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay maxamed muuse oo ayaa sheegay in uu tababaro siin doono ciyaartoyda deegaanka iyo kuwa dalka ee ciyaara kubada kolayga(basketball).

Sidoo kale wasiirka xidhiidha arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska mudane maxamed guure bisle ayaa sheegay in uu siwayn ugu faraxsan yahay qurba-joogta u dhalatay deegaanka ee dalkooda ku soo qul qulaya ka xukuumad ahaana ay siwayn u soo dhawayanaa cidkasta oo u dhalatay deegaanka iyo cidkasta oo deegaanka u maalgashanaysaba,islamarkaana ku gacan siinayaan ka qaybqaadashada Doorka Qurbajoogta dhinacyada Horumarka,n/galyada,maamulka suuban iyo maalgashiga.

Maareeyaha tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane faatax maxamed faatax oo isagana ka haday soo dhawayntaasi ayaa waxa uu sheegay in ay guula waawayn tahay in ay deegaanka ku soo qul qulaan qurba joog u dhalatay deegaanka oo caalam ka magacwayn ku haddii ay tahay ganacsato iyo haddii ay tahayba shaqsiyaad magacwayn ku leh caalamka sida tababarahan aan maanta soo dhawaynayno ee magaca wayn ku leh caalamka intiisa badan guulahan ayaa waxaa ka danbaysay ayuu yidhi faatax ka dib markii ay xukuumada deegaanka qaaday talaabooyin lagu horumarinaya xidhiidhka qurba joogta ay la leedahay xukuumadu,islamarkaana Xukuumada oo ka qaybgalinaysa Jihooyinka siyaasadeed iyo qorshayaasha horumarineed Qurbajoogta fagaarayaal wadatashi uga furtay Dhamaanba 5ta Qaaradood.