Madaxweynaha DDSI oo Galabta Xadhiga Ka Jaray Wadooyin Nooca Dhagaxa Qoran La Goglo (Cobble Stone)

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis July 25,2013.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Galabta Xadhiga ka jaray Wadooyin Nooca Dhagaxa Qoran la goglo ah(Cobble Stone) oo laga dhisay qaar ka mida Wadooyinka xaafadaha Magaalada Jigjiga sida Xaafada 4aad,5aad iyo kuwo kale.

Wadooyinka Dhagaxa Qoran la goglo ayaa waayadan danbe aad ugu soo badanaya xaafadaha magaalada jigjiga taasoo ay ka wadaan Maamulka Magaalada Jigjiga iyo Xafiiska Hawlaha Guud. Sidoo kale Xafiiska Jidadka DDSI ayaa isaguna ka wada Dhisayaal iyo Dayactir Dhanka wadooyinka magaalada Jigjiga.

Dhamaanba Mashaariicahan Dhismayaasha,Dayactirka iyo Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble Stone) ayaa Dhamaantood looga gol leeyahay Kor u qaadida Bilicda iyo isusocodka Magaalada jigjiga ka hor Xuska 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya oo Sanadkan lagu Qaban Doono Magaalada Jigjiga.