Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 7aad ee Golaha Xildhibaana DDSI oo Maanta si Rasmi Ah Uga Furmay Hoolka Shirarka ee SMCX iyo Arimo Badan oo Lagu Ansaxiyay.

 Jigjiga(CakaaraNews) Sabti July 27,2013.Kalfadhigan xildhibaanada DDSI oo maalmahanba diyaargarow balaadhan loogu sii jiray ayaa maanta si rasmiya waxa uu uga furmay hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdulle xasan. kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar,gudoomiyaha baarlamaanka mudane maxamed rashiiq isaaq dhamaan xildhibaanada DDSI iyo waliba marti sharaf kale aya waxa ugu horayntii lagu furay aayadaha quraanka kariimka oo uu halkaasi ka soo jeediyay sheikh ka mid ah xildhibaanada DDSI oo loo bixiyay sheekha baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI xildhibaan maxamed rasiiq isaaq ayaa idmay furitaanka kalfadhiga 7aad ee golaha baarlamanka DDSI ee bilawga sanadka 2006. Sidoo kale Afhayeenka ayaa golaha u akhriyay Ajandayaasha horyaalay oo ay ka mid ahayeen bayaano iyo anjandayaal doora,balse ka hor inta aan la galin doodahaiyo ansaxinta ajandayaashana idmay in la hubiyo tirada xubnaha baarlamaanka ka soo qaybgalay kalfadhigan si loo hubiyo sharciyada kooramka uu ku ansixi karo Qabsoomida kalfadhigu.

Hawlwadeenada Xafiiska baarlamaanka ayaa hubiyay tirada xubnaha baarlamaanka ku sugan Guriga oo ay tiradoodu dhanayd 122 xildhibaan oo ka soo xaadirtay Tiradii guud ee xildhibaanada deegaanka oo ahaa 175,islamarkaana la soo jeediyay 53da xildhibaan ee ka maqnaa kalfadhigan asbaabaha ay u soo xaadiri waayeen oo lagu sheegay qaar hawl-caafimaad fasax loo siiyay,qaar shaqo ku maqan,kuwo geeriyooday iyo Qaar la siiyay fasax.

Intaasi ka dib ayaa waxa uu afhayeenba baarlamaanku madane maxamed rashiid isaaq sheegay in uu Qabsoomida kalfadhigu ansax yahay soona xaadireen in ka badan 3/2 xildhibaan,islamarkaana sheegay in ay anjandayaasha iyo bayanada horyaala maanta ay yihiin ansaxinta hadal-qoraalka kalfadhigii 6aad, ansaxinta warbixinta waxqabadka xafiiska baarlamaanka,ansaxinta warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI,ansaxinta waxqabadka maxkamada guud ee DDSI,ansaxinta warbixinta waxqabadka hanti-dhawrka guud ee DDSI,anaxinta bayaano kale duwan oo kala ah asaxinta bayaanka miisaaniyada SM 206, ansaxinta bayaanka shirkada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska DDSI, ansaxainta bayaanka dib loo habeeyay xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI, ansaxinta bayaanka komishinka qaabilaada baadhista iyo xalinta cabashooyinka dhanka adeeg bixinta DDSI, ansaxinta bayaanka cashuuraha dakhliga DDSI, iyo waliba ansaxinta bayaanka xeernidaameedka liiska dhulka magaalooyinka.

Afhayeenka baarlamaanka mudane maxamed rashiid isaaq oo si kooban uga warbixiyay waxqabadka xafiiska baarlamaanka ee sanadkii tagay iyo hawlaha loo idmay gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka DDSI ayaa uu ka dib ku soo dhaweeyay codbaahiyaha mudane maxamed cumar oo ah gudoomiyaha gudiga baarlamaanka DDSI si uu u soo jeediyo faahfaahinta warbixinta waxqabadkii xafiiska baarlamaanka ee SM 2005TI ka dib markii ay dhagayteen xildhibaanadu warbixintaasi su-aalana laga waydiiyay ayaa waxaa cud buuxa lagu ansaxiyay warbixintaasi.

Sidoo kale waxa maanta galinkii hore la dhagaystay warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI waxaana soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar isaga oo madaxwaynuhu sheegay in sanadkani yahay sanadkii guusha Waxqabadka iyo Natiijada horumarineed ee xukuumada DDSI,maadaama Dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Horumarka aas-aasiga u ah bulshada,kaabayaasha dhaqaale iyo la dagaalanka saboolnimadaba guulo iyo natiijooyin wax ku oola laga gaadhay ayuu yidhi madaxweynuhu.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa falanqeeyay halbeega-horumarineed ee Dhinacyada Caafimaadka,waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,B eeraha,Xoolaha,Jidadka,Korontada,isgaadhsiinta,ka faaiidaysiga Khayraadka Dabiiciga(Malabka,fooxa,Beeyada,Xabagta,Dahabka,Shidaalka iyo Hargaha).

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay Natiijooyinka laga gaadhay Dhinaca Dakhliga Deegaanka,Dhismayaasha iyo Mashaariicaha Diyaargarawga xuska Qowmiyadaha ee laga wado Jigjiga oo 5 bilood gudahood maraya 90% islamarkaana amaanay ganacsatada dhismayaashan gacanta ku haysa,kuna booriyay ganacsatada deegaanka ee la midka ah ee ragaadiyay Dibudhaca mashaariicaha kuna tilmaamay idin-bacafa in ay ku daydaan Ganacsatadan wadaniyiinta ah carabkana ku adkeeyay in Dugsiga sare ee Hargeele.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sharxay Doorka Shirkada Adeegyada lacagaha yar-yar iyo amaahda (Micro-Finance) sheegayna in sanad kii ay jirtayba ku bixisay Amaah dhan 5 milyan oo bir oo la siiyay 32,000 oo qoys taasoo shaqo u abuurtay Qoysas badan korna u soo qaaday Dhigaalka iyo nolol maalmeedkooda.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka warbixinayay Socdaaladii taxanaha ahaa ee Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo rajo-rumays amaanay waxqabadka xafiiska Jidadka DDSI ee uu Natiijooyinka wax ku oolka ah ka sameeyay samaynta Jidadka Geel-doox,Xamaro,Qubi,Buurta Shantole ee Ceelkari iyo kuwo kalaba.

Qabsoomida kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya Badhtamaha Bisha bilowga u ah sanad-miisaaniyadeedka sanadka cusub ee 2006.T.I taasoo Xaqiijinaysa in Miisaaniyada Guud ee DDSI la ansaxiyo Wakhtigii loogu talo galay si loogui saleeyo Qorshaxa Waxqabadka Rubaca 1aad ee sanadkan,halka xukuumadihii hore ay Baarlamaanku Miisaaniyada ansaxin jireen Dhamaadka sanadka iyadoon wax saa u buuran laga isticmaalina Dhici jirtay,balse xukuumada Maanta jirtaa iska daa Miisaaniyad ka noqota ama ka dhacdee ay Miisaaniyado Kabid ah(Suplemantry Budget) ay DFI ka soo shubaan si Horumarka Wax loogaga qabto sida Dhamaadkii sanadkan oo ay Aduun lacageed oo kor u dhaafaya 500 milyan Loogu soo iibiyay Deegaanka Qalabyada waawayn ee Dhismayaasha wadooyinka.

Isku soo wada soohoo sida uu sheegay madaxweynaha DDSI in Warbixinta Waxqabadka Xukuumada DDSI ay ka gaadhay Sanadkan Guusha Horumarka,N/galyada.Maamulka Suuban iyo Isbedelada Kobac-dhaqan dhaqaale in aan lagu soo koobi karin maalin badhkeed,iyada oo dheerayd awgeed ayaanu idiin balanqaadaynaa in saacadaha soo socda iyadoo dhamaystiran in aanu idiin soo dhigi doono Cakaaranews.com.