Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Maalintii 2aad lagu Ansaxiyay Miisaaniyada Guud ee Xukuumada sanadka 2006 ii ugu Badnayd Abid,iyo Bayaano Doora Lana Soo Gunaanaday.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad July 28,2013.Kalfadhiga baarlamaanka oo mudo 2 maalmood ah ka socday madasha shirarka ee SMCX ayaa maanta si Munaasib ah lagu soo gabababeeyay madashaasi,iyadoona ka hor xidhitaanka kalfadhiga ay maanta horyaaleen golaha xildhibaanada bayaano iyo warbixino ay ka mid ahaayeen dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadkii maxkamada guud ee DDSI dhagaysiga iyo warbixinta waxqabadkii xafiiska hanti-dhawrka guud ee DDSI iyo ansaxinta bayaanka miisaaniyada sanadka 2006.

Afhayayeenka baarlamaanka mudane maxamed rashiid isaaq ayaa saaka waxa uu makarafoonka ku soo dhaweeyay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Maxamed Ibraahin si uu sharaxaad dheeriya uga bixiyo bayaanka miisaaniyada DDSI ee SM 2006 wuxuuna hadalkiisii u dhacay sidan.

Maadaama ay laga maar-maan noqotay in wakhtigeeda la ansaxiyo lana qaybiyo miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada DDSI sanad miisaaniyeedka 2006 TI, sida uu dhigayo qodobka 47(2,S) dastuurka dawlada deegaanka soomalida itoobiy waxay awood u leedahay in ay diyaariso islamarkaana maamusho miisaaniyadeeda. Maadaama oo ay lagama maar-maan noqoday in si rasmiya loo bayaamiyo miisaaniyada DDSI ee S.M 2006 TI, waafaqsan qodobka 62(7) dastuurka jamhuuriyada Federaalka itoobiya ee golaha federaalku u dajiyay nidaamka loo qaybiyo dakhliga wadaaga ah ee dawlada federaalka iyo dawlada deegaanka iyo sidoo kale miisaaniyada kabista ee ay dawlada federaalku siiso dawlad deegaameednada.

Isla markaana ay tahay in la go-aamiyo miisaaniyada kabista ah ee la siiyo maamulada degmooyinka iyada oo lagu salaynayo qaaciidada uu dajiyay golah deegaanku. Sidoo kalena lagu qeexay dastuurka in dawlada deegaanku yeelato awood ay ku hanti dhawrto kuna daba gasho miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada heer-deegaan, degmooyinka iyo kuwa magaalooyinka aya hadaba si waafaqsan qodobka 49(3) (B) ee dastuurka dib loo habeeyay ee deegaanka. Mudane maxamed ibraahin oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in miisaaniyada xafiisyada DDSI degmooyinka iyo magaalooyinka halkan lagu qoonyeeyay SM ka bilalaabmaya 1 da Hamle 2006 kuna dhamaada 30ka Sane 2006 taasi oo iskugu jirta miisaaniyada mashaariicaha mida caadiga ah ee heer deegaan miisaaniyaha kabista ee degmooyinka iyo magaalooyinka.

Wuxuuna sheegay masuulku in xukuumada oo ka duulaysa qorshayaasha horumarineed ay dhinacyo badan oo ah horumarinta deegaanka ay deegaanka ka hawl galaan in ka badan 200 oo ha’yadood oo kuwaasi oo ka qaybqaadanaya kaalmaha horumarka ay xukuumadu hiigsanayso. Hadaba miisaaniyada guud ee DDSI ee sanad-miisaaniyeedkan 2006TI ee maanta golaha xildhibaanada DDSI asaxiyay waxay dhantahay 5,510,184,822(shan bilyan shan boqol iyo tobon milyan boqol sideetan iyo afar kun sideed boqol labaatan iyo laba bir) Taasi oo u kala baxta sidan:-

Khasnada dhexe = 3,457,552,090

Deeqda dibada = 43,632,732.

Hadhaaga ka soo wareegay (2004) = 89,000,000.

Dakhliga deegaanka = 700,000,000

Miisaaniyada Hadafka Horumarinta Qarniga(Millenium Goal) ee dhimista Saboolnimada 1,220,000,000

Wadarta guud ee SM 2006 waa 5,510,184,822.

Ka dib markii goluhu dhagaystay bayaankaasi miisaaniyad kana dooday ayaa waxa cob buuxa lagu meel mariyay miisaaniyadaasi. Sidoo kale waxaa maanta la dhagaystay warbixinta waxqabadkii maxkamada guud ee DDSI oo uu soo jeediyay gudoomiyaha guud ee maxkamada DDSI mudane ugaas c/laahi maxamuud oo sheegay in ay guulo waawayn ka soo hooyeen dhinaca waxqabadka maxkamadaha guud ahaanba deegaanka ka dib markii ay dhagaysteen xilidhaanadu warbixintaasi su'aalana layska laga waydiiyay gudoomiyaha ayaa waxaa cod buuxda lagu meel mariyay warbixita Maxkamada Guud.

Sidoo kale waxaa maanta la dhagaystay warbixinta waxqabadka xafiiska hanti-dhawrka guud e DDSI oo uu soo jeediyay wasiirka hantidhawrka mudane ahmed ibraahin wuxuuna sheegay in xafiiska oo ka guulaya bayaanka dib u habaynta loogu ee magaciisu yahay aas aaska xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI ee lambarkiisu yahay 6/1991 kaasi oo awood siinaya in uu baadhis ku hantidhawr ku sameeyo xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee hoosyimaada DDSI ayuu sanad walba baadhis hantidhawrka fuliyaa kOlba xafiiska iyo hayada ay awoodiisa fulineed u saamaxdo.

Hantidhawrka-Guudwarbixintoodana sanad walba u hordhigaa golaha baarlamaanka DDSI. Isaga oo masuulku hadalkiisa siiwada ayaa waxa uu sheegay in xafiiska hantidhawrka guud isaga oo mar labaad ka duulaya SM 2005 uu baadhis hantidhawrku sameeyay xafiisyo kala duwan oo heer deegaan degmo iyo magaalooyin is kugu jira is uu u xaqiijiyo hantidha dawlada.

Ø Inay raaceen nidaamka iyo qaanuunka dawladu ka soo saartay dhaqdhaqaajinta maaliyada.

Ø In dakhliga dawlada si sharciga waafaqsan loo soo ururiyey.

Ø In miisaaniyada loo ansixiyey xafiisyadaas lagu fuliyay qorshe hawleedkii loogu talagalay.

Ø In hantida dawlada sida ugu haboon loo illaaliyo oo ladaryeelo islamarkaasna ay bixiyaan adeegii looga baahnaa. Hadaba, xafiisyada sanadkan lagu sameeyey baadhista badankoodu waxay soo dhaweeyeen dhukumentiyada xisaabaadka ee looga baahnaa. H/dhawraduna waxay baadhitaanadaas ku fuliyeen nidaamka istaatistikada ah ee loo yaqaan “Stratified Sampling System” nidaamkan oo aad loogu kalsoon yahay inta badan, Sannadkan xafiisku wuxuu si balaadhan u fuliyay saddex nooc ee kala ah.

Ø hantidhawrista maaliyada ( financial audit).

Ø iyo hantidhawrista gaarka ah ( special audit)

Ø- H/dhawrista waxqabadka quman (Performance audit), Ka dib markii ay golohu dhagaysteen warbixinta ka dib ayaa su-aalana layska waydiiyay taasoo oo uu guluhu cod buuxda ku ansaxiyay warbixintaasi.

Fikradaha Xubnaha Baarlamaanka DDSI ee kalfadhiga 7aad ku sugnaa ayaa ka sakow suaalah iyo jawaabaha ay ka bixinayeen warbixinada iyo waxqabadka ifafaalo Yidiilo waxqabad dhab ah ka bixiyay xafiiska Jidadka DDSI oo Run ahaantii ka soo dhalaalayDoorka kaga aadanaa Adeegyada iyo jawaabaha shacabka ee ku wajahnaa Dhismayaasha Wadooyinka,Buundooyinka iyo Dayactirada wadooyinka Deegaanka ee hore u cakirnayd isu gooshida Shacabka iyo baabuurta,iyadoo baarlamaanku ka markhaati kacay in Xafiiska Jidadku waxqabad wadaniyadeed oo lagu farxo hirgaliyay Deegaano badana isu furay Isusocodkaodka Dhanka Samaynta Wadooyin badan oo tayo leh Amaana u soo jeediyay waxqabadka Xafiiska Jidadka DDSI.

Isku soo wada Duuboo kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo socday mudo 2 cisho ah ayaa la soo gabagabeeyay Maanta iyadoona Miisaaniyadii ugu badnayd sanadkan Xukuumada DDSI loo Ansaxiyay.