Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xulka Kubada Cagta ee Dumarka Dalka jarmalkaoo Markii 6aad Hantay Koobka Haweenka Aduunka.

Sweden(CakaaraSport) Talaado July 30,2013.Xulka Kubada Cagta ee Dumarka Dalka Germany ayaa Markii 6aad gacanta ku dhigay Koobka Ciyaarasha Kubada cagta ee Aduunka,iyadoona gabadha goolka u ilaalisa xulka Germany Nadine Angerer ay noqotay halyeeyda xulkeeda markii ay haweenka Norway ka qabatay laba rigoore oo loo dhigay intii ay ciyaartu socotay taasoo u suuraglisay in ay markii 6aad oo isku xigta noqdaan horyaalka haweenka qaaradda Yurub markii ay 1-0 ku badiyeen.

Gabadha captain-ka u ah xulka Norway Trine Ronning iyo Solveig Gulbrandsen ayaa labadii qeybood ee ciyaarta xulkooda si kala gooni gooni ah uga kala khasaariyay fursado ay ku heleen laba rigoore ah ciyaartii final-ka aheyd ee ka dhacday Stockholm.

Dhanka kale gabadha lagu magacaabo Anja Mittag oo ciyaarta badal ku soo gashay ciyaarta ayaa goolka guusha u saxiixday xulka Germany.

Xaawalayda Kubada cagta aduunka ayaa sidan u kala helay abaalmarinada:-Abaalmarinta kabaha dahabka waxaa heshay : Lotta Schelin (Sweden) Tan qalinka waxaa la siiyay: Nilla Fischer (Sweden) Tan maartana waxaa heshay : Louisa Necib (France)