Shir Balaadhan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta Shaqo ee Shaqaalaha Qaabdhismeedyada Dawlada Degmada Ma’ayso ee Gobolka Siti.

Ma’ayso(CakaaraNews) talaado July 30,2013.Shirkani Ooo Ay Kasoo Qaybgaleen Shaqaalaha Ka Hawlgala Degmada Ma’ayso Ee Gobolka Siti Ayaa Ahaa Mid Lagu Dardargelinayo Hawlaha Shaqo Ee Shaqaalaha Degmadu Ay U Hayaan Bulshada Ku Nool Degmadasi Ma’ayso Islamarkaana Kor Loogu Qaadayey Adeegyada Kala Duwan Ee Xafiisyada Degmadu Ay U Fidiyaan Bulshada Ku Nool Degmadaasi Iyo Nawaaxigeeda.

Hadaba Kulankani Oo Intii Uu Socday Lagu Eegayey Geedi Socodka shaqo Ee Xafiisyada Ayaa Waxaa Sidoo Kale Barbar Socday Qiimeyn Lagu Sameynayey Shaqaalaha Degmada Si Loo Saxo Dhaliilaha Jira Islamarkaana Loo Riixo Sidii Loo Horumarin Lahaa Hawlaha Kala Duwan Ee Degmadaasi Ka Socda Iyadoo Shirkanina Ay Gudoominayeen Masuuliyiinta Ugu Sareysa Ee Degmada Ma’ayso .

Gudoomiyaha Degmada Ma’ayso Mudane: Ismaciil Maxamud Oo Isagu Shirkani Gudoominayey Ayaa Shaaca Ka Qaday In Cid Kasta Oo Gudan Weyda Wajibaadkooda In Laga Qaadi Doono Talaabo Adag Islamarkaana Looga Baahanyahay In Qofwalba Oo Ka Mid Ah Shaqaalaha Degmadani In Uu U Guto Wajibaadkiisa Si Ay Ku Dheehantahay Iyadoona Ay Aad Usoo Dhaweyeen Dhamaanba Shaqalihi Halkaasi Sugnaa. Dhinaca Kale Shaqalihii Kasoo Qaybgalay Ayaa Waxa Ay Dhinacooda Ay Balan Qadeen In Ay Kasoo Bixi Donaan Wajibaadkooda.

Gudoomiyaha Degmada Oo Ugu Dambeyntii Lahadlayey Shaqalihii Kulankani Kasoo Qaybgalay Ayaa Uu Ku Adkeeyey Dhamaan Shaqaalaha Ka Hawlgala Degmada In Ay Ilaaliyaan Saacadaha Shaqada Si Loo Gaadho Qorshayaasha Horumarineed Ee Uu Dalku Higsanayo Iyadoo Ugu Dambeyn Shirkaasina Uu Ku Soo Gabagaboobay Jawi Aad U Wanaagsan.