Fursadaha Shaqo-Abuurka Horumarineed ee Shacabka oo Buurta Sandaxiile Fananaya +(Sawiro).

Sandaxiile(CakaaraNews) Khamiis 01,May,2013.Waxaan la iska indho-saabi karin in Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee ay Xukuumada DDSI u dejisay Ladagaalanka Saboolnimada,Kor u qaadida Kobaca Dhaqaale ee Bulshada iyo tababarada la siiyo Bulshada Deegaanka si loogu Abuuro Xirfad iyo fursado Shaqo iskaashatooyinka yar-yar ee Dadka Danyarta ah.

Talaabadan ayaa Boqolaal ka mida Qoysas danyar ahaa u abuurtay Isbedel Nololeed iyo Kobac dhaqaale ay ku maareeyaan Meertada Nolol-maalmeedka Qoysaskooda islamarkaana Dhigaal ka heleen iskaashato ahaan. Qorshahan ay xukuumada DDSI kor ugu qaadayso Dhanka Abuurida Xirfadaha Shaqo iyo kobaca dhaqaale ee bulshada ayaa ka mid ah Qorshyaasha ugu waawayn ee ay Xukuumadu wax kaga badalayso Nolosha bulshada,islamarkaana loogu abuurayo iskaashatooyin yar-yar oo loo Tababaro Qorista iyo Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) si ay Xukuumadu ugaga faaiideyso dadkan la tababaray in ay Xukuumada ka qaataan Qandaraasyada Miisaaniyada loogu talo galay Goglida Dhagaxa Qoran wadooyinka Magaalooyinka Si miisaaniyadu u gasho waxna ugu qabato Danyarta loo carbiyay Qorista Dhagaxa.

Barnaamijkan ayaa ah mid ay Durba ku najaxeen Boqolaal ka mida Qoysaska Danyarta ahaa ee Iskaashato ahaan loogu tababaray habka loo Qoro loona Goglo Dhagaxa Qoran Wadooyinka Magaalooyinka,islamarkaana ka helay Dhigaal(raasamaal),Kobac Dhaqaale iyo Xirfad Shaqo wax wayn ka taray Maaraynta Nolosha Qoysaskooda iyo Dhigaalkoodaba.

Hadaba ka sakow magaalooyinka Jigjiga iyo 4ta Maamul Magaalo oo ay ka jiraan Iskaashatooyin badan oo loo tababaray Qorista iyo Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) Mashaariicaha Samaynta Wadooyinka Dhagaxa Qoran ee magaalooyinka kor ku xusana ka Qaatay korna u soo qaaday Maaraynta Noloshooda iyo Dhigaalkoodaba ayaa ay hadana jiraan Qaar ka mida bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Deegaanka oo ka helay Tababaro iyo Xirfada Qorista Dhagaxa Xukuumada taasoo u abuurtay Fursad Shaqo ay kaga faaiidaystaan kor u soo qaadida heerka nolosha iyo dhaqaalaha Qoyska.

Maxamed waxa uu ka mid yahay Dadka ku Dhaqan Tuulada Sandaxiile oo ka tirsan maamulka Degmada Dh/buur ee Gobolka jarar islamarkaana ka faaiidaystay tababaradii ay xukuumadu ku bixisay Magaalada Dh/buur ee la xidhiidhay habka Qorista iyo Goglida Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone) svbcabrinavirus. Qora Dhagax Dhan 100 Xabo oo lagaga qataa halkii dhagaxba Qiimo Dhan 4 Birr taasoo u dhiganta in ay maalintiiba u soo xarootaa Dakhli lacageed oo aad u badan.

Maxamed waa duq da'a ah, kuna nool Magaalada Dhagaxbur islamarkana bila shaqo ahaa muddo badan, hadaba si u noloshisa iyo qoyskiisaba ugu filaado ayuu Maxamed uu xamaan qaatey in u ka qeyb-qatoo shaqooyiinka bilicida iyo jid sameyata Magaalada dhagaxbur kana helay tababar iyo xirfad shaqo. Maxamed iyo dad kale oo tira badan oo ku dhaqan tuulada Sasabane ayaa waxa ay sameysteen Iskashatada Wabar ee Qorida Dhagax Jidadka la dhigo (la Goglo)“cobblestone”.

Odaygan ayaa Maalin kasta Fuula Buurta Sandaxiile islamarkaana isagoo ka faaiidaysanaya Xirfadii Shaqo ee uu ka helay Tababaradii la siiyay,sida uu sheegay Maxamed wuxu maalin walba diyaarin kara Dhagax Qoran oo cadadkiisa lagu qiyaasay 70-120 xabbo oo kolba ku xidhaan sida uu u shaqeeyo maalintaas, yaadoo qiimaha halki xabo laga siisto lacag dhan4 bir.

Hadaba isku-celcelis hadi uu malinti qoro 90 xabo waxaa xaqiiqo ah in dakhliga Maxamed ee Bishi dhan yahay 10,800 bir(Toban Kun iyo Sideed Boqol oo Birr). Xaqiiqiyaan waa dakhli ka sareyaa dad badan oo ku dhaqaan Casimadaha,taasoo Xukuumadu ay uga gol leedahay la dagaalanka Saboolnimada iyo gaajada.

Sida uu noo shegey mudane Maxamed wakhti xadirkaan in ay iskashatadooda oo laga rabo in ay diyaariso dhagaxaan gadhaya 150,000 xabbo in ay diyaarisatey dhagaxaan gadhaya 70,000 xabo. Dhanka kale Duqa Maamulka Magaalada Godey Mudane Kulmiye Maxamed Dool ,Maareeyaha wakaalada darasaadka iyo Naqshadaynta Mudane Guled Aw Cali iyo iyo Mayorka Maamulka Magaalada Qabri-dahar C/risaaq Saxane oo ku soo maray Duqan Xili uu Dhagaxa ku qorayay Buurta Sandaxiile ayaa ay dhexmartay Xogwaraysi kooban oo u dhacay sidan.

Mudane Kulmiye Maxamed Dool, Abdirisak Sahane Guled Aw Cali, Eng Maxamed oo xubno maasuliyiin ah iyo Mudane Muxumed Xasen oo ka tirsaan Iskashatada Wabar ayaa aad ula yaabay heerka iyo xirfada shaqada u abuurtay iskaashatadan iyo dalabyada ay u helayaan waxsoosaarkooda. Hadaba, xubnahaas oo ku soo boqdey iskasahatada si ay xog wareesi iyo dhirigaalinba ugu sameeyaan iskashatadaas, ku amaaney sida wanagsan ee ay uga faa’iideysanayaan kheyradka ku jira Burta Sasabane iyo shaqadooda oo ku dayasho mudaan,islamarkaana uu Mayorka Maamulka Magaalada Godey ka codsaday in ay u sii sameeyaan kumanaan Dhagaxa Qoran ah si ay ugaga faaiidaystaan goglida Dhagaxa wadooyinka Magaalada Godey.

Buurta Sandaxiile ayaa Taariikh ahaan Dadku ku tilmaamaan Dhacdooyin caan ah oo ay kala kulmi jireen kuna xasuustaan,balse maanta waxaa ka dhashay Dad horumarineed oo Shaqo abuur ka helay.

Isku soo wada Sohoo waa talaabo ka mida gulaha ay dawlada uu Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar Hoggaaminayo ay bulshada xoolodhaqatada, xoolodhaqato beeraleyda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Magaaloyiinka ku dhaqaan looga faa’iidey