Kooxda Man-City oo fasaxday Ciyaartoygeedii Khadka Dhexe C/Salaan Cadaay oo Waayadan Deyn ahaan Ugu Maqnaa Koox Norway ah.

Uk(CakaaraSport) Khamiis May 01,2013.Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda kubada cagta ee Manchester City Abdisalam Ibrahim Cadday oo ah Soomaali heysta dhalashada Dalka Norway ayaa loo sheegay in uu kooxda Man-city ka xamaan Aruursado xorna u yahay in uu ku biiro hadba kooxda uu rabo. Ciyaartoy-Abdisalam Cadday oo ah 22- jir wuxuu wakhti xaadirkan amaah(Deyn) ugu Ciyaaraa mid ka mida kooxaha heerka 1aad ee Horyaalka Norway Strømsgodset kaalinta 2aadna kaga jirta Horyaalka Norway oo uu haysto Dhalashada wadankaas.

Ibrahim, ayaa macalinka cusub ee Man-City Manuel Pellegrini wuxuu u sheegay in uusan wax boos ah uga heyn Etihad Stadium sidaa darteed uusan wax mustaqbal ah ku laheyn kooxda uu 3da kulan u soo saftay ee Man City.

Dhanka kale waxaa ay jariiradaha faaqidaada Ciyaaruhu sheegayaan in ay jiraan kooxo muujiyay in ay Rabaan Ciyaartoygan kana mid tahay kooxda Celtic oo tababarahooda Neil Lennon sheegayna in uu Odorasayo in uu ku bedesho Victor wanyama oo ka tegay Celtic kuna biiray kooxda Southampton.

Horyaalka Premier League waxaa ku jira kooxa daawaday ciyaarihiisa oo ay ka mid yihiin Crystal Palace iyo Swansea balse aan ilaa iyo eega wax dalab ah laga hayn,gudbin.