Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xukuumada DDSI oo munasabad afur-sharafeed ah u samaysay dhamaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan magaalada jijiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis August 01,2013.Waxaa caawa guriga martida ee ku yaala xarunta madaxtooyada DDSI afur sharafeed loogu sameeyay dhamaan qurba joogta u dhalatay DDSI ee ka kala socoday daafaha aduunka munaasabada afur- sharafeedka oo si aad u qurux badan loo soo diyaariyay ayaa siwada jira u soo agaasimay xafiiska maamulka DDSI iyo xafiiska qurba joogta DDSI.

waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada ugu sar saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ku xigeenadiisa qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI, qurba joog aad u jiro badan, fanaaniin caanka ah dalka iyo dibadaba oo ay ka mid yihiin Aarmaanta, hodan c/rahmaan kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka, saxaafada deegaanka iyo waliba marti sharaf kale.

Afurkii ka dib ayaa waxaa furay munaasabadaasi afur sharafta ah madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna madaxwaynuhu ka soo jeediyay munaasabadaasi khubad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasoooo gun dhigeedu ahaa qurbajoogeey kaalaya dalkiina hooyo, maalgashada Dhulkiina dihin isaga oo madaxwaynuhu si qota-dheer uga waramay waxqabadka xukuumada ee kuwajahan dalka iyo dibadab ayaa mar uu ka waramayay horumarka balaadhan ee ka taam yeelay sanadihii ugu danbaysay ayaa waxa uu siguud u dulmaray soonyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray isaga oo madaxwaynuhu tibaaxay in wakhtiyada qaar uu deegaanku ahaan jiray xiryo mulatari oo kaliya.

Balse markii ay shacabwaynaha dalka itoobiya iska dulqaadeen kalidii taliyihii dhargiga ay siwada jira ah uga faaiidaysteen shucuubaha iyo qoomiyadaha dalka itoobiya dumuqoraadiyada, sinaanta qoomiyadaha islamarkaana la helay horumar taam ah. Madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in ka deegaan ahaa oo aan wakhtiyadii hore siwayn uga faa’iidaysan horumarkaasi balse ay sanadihii ugu danbeeyay xukuumadu guulo waawayn ka soo hoysay dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban,

mar uu madaxwaynuhu ka hadlayay dhinaca waxbarashada ayaa waxa uu shegay ka dib dalaal dheer oo ay xukuumadu u gashay sidii loola dagaalamilahaa jahliga in ay wakhti xaadirkan deedeegaan ka jira 1 jaamacad 6 kuliyadood 93 dugsi sare oo dawliya 4 dugsi sare oo ah kuwa gaar ka loo leeyaha guud ahaana waa 97 dugsi sare,1110 dugsiyada hoose dhexe,2201 ABE -school iyo 42 dugsi oo ah kuwa barbaarinta caruurta(Kinder-Garten),islamarkaana ay ka hawl galaan macalimiin ka badan 15402. Dhanka caafimadka mar uu ka hadlayay madaxwaynuhu ayaa waxa uu sheegay in deegaanku leeyahay 9 hospital,112 xarun-caafimaad iyo 957 rug-caafimaad halka aan ka haysano 3286 xirfadlayaalcaafimaad kuwaasi oo ay ka mid yihiin 49-doctor halka inta kalena ay is kugu jiraan diploma iyo heer degree.

Sidoo kale madaxwaynuhu sheegay in dhamaan guulo waawayn ay xukuumadu ka soo hoysay dhinacyada beeraha biyaha jidadka iyo dib u dajintaba. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynuhu in xidhiidhkii joogtada ahaa ee ay xukuumada la yeeladay qurba joogta u dhalatay DDSI ay siwayn uga qaybqaateen horumarkaasi ka taam leelay guud ahaanka badla gaar ahaanba deegaanka wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in kaalin lama ilaawaanka qurba joogta deegaanka hirgalinta mashaariicaha waawayn ee ka jira dalka sida mashruuca wayn ee biyo xidheenka Abay.

Hadaba waxaa xusid gaar ah mudan ayuu yidhi madaxwaynuhu tan iyo markii la hirgaliyay nidaamka siyaasada fur furan ee arimaha diba dalka itoobiya iyo tan deegaankaba waxaa xaqiiq noqotay in ay kaalin muuqata u leeyihiin dhinaca horumarka waxaa xusid mudan in sabadii sano ee ugu danbeeyay ay qurba joogta u dhatalay DDSI hirgaliyeen 96 mashruuc oo horumarineed kaasi oo ay fursado shaqo ugu abuureen in ka badan 7000 mashaariicahaasi ku baxay aduun lacageed oo dhan 6 Billyan isaga oo madaxwaynuhu siwayn ugu mahadnaqay dhamaanba qurba joogta u dhalatay DDSI ee ku sugnayd munaasabadaasi afur sharafeedka iyo dhamaanba qurba joogta ku kala sugan daafaha aduunka wuxuuna madaxwaynuhu ugu baaqay in dhamaan qurba joogta u dhalatay DDSI ay siwayn u sii xoojiyaan dadaalkooda u adan dhinaca maalgashida qufkasta oo u dhashay deegaankuna uu yimaado dalkiisa hooyo.

Ugu danbaytii ayaa waxa uu ku soo afmeeray madaxwaynuhu hadalkiisa in ay maanta qurba joogta u dhalatay DDSI, shacabka DDSI iyo xukuumada DDSI, ay siwada jir ah uga qayb qaadanayaa horumarka deegaanka marka laga reebo ayuu yidhi madaxwayuhu 7 qof ee qoobwaynta ee ka ganacsan jiray dhiiga shacabka kuwaasi oo aanay marnaba xukuumada cafinaynin ayuu ku soo xidhay madaxwaynuhu hadalkiisa.

Intaasi ka dib ayaa waxaa loo kala baxay qurba joogtii iyo kooxaha fanka iyo suugaanta ee DDSI oo madashaasi ku soo bandhigay dhaantooyin iyo heeso siwayn ay ugu riyaaqeen dhamaan dadkii ay soo qaybgalay munaasabadaasi afur sharafeedka ahayd Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay madashaasi qaarka mid ah qurba joogta u dhalatay DDSI ee ka kala socday daafaha aduunka kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dhalinyaro aad u dayar oo ku hadlayay luuqadaha faransiiska, ingiriisiga, Swedishka iyo waliba luuqado kale kuwaasi oo dhamaantood xukuumada deegaanka ugu mahadnaqayay dadaalka horumarineed ee ay wakhtiyadii danbe gaadhsiiay deegaanka iyo waliba dadaalka dheer ee ay la yeelatay dhinaca qurja joogta taasi oo ay ka mid tahay ayay yidhaahdeen tan caawa halkan iskugu keentay intaasi oo qurba joogt ah.