Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeyaha Wakaalada Naqshadeynta, Daraasaadka iyo Dabagalka oo Ka Warbixiyay Heerka Ay Marayaan Mashaariicaha Biyaha ee Laga Wado Gobolada Sitti iyo Jarar

Xukuumada Degaanka Soomaalida Itoobiya ee u hoggaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar aya wakhti xadirkaan xogga sartayy sidii ay bulshada deegaanka uga haqaab-tiri lahayd dhamaan helida dhamaan bahiyaha aas-aasiga, iyaado si gaar ah diirada loo saarayo hawlaha horumarinta Dhinaca helida biyaha nadiifta.

Hadaba, qorshayaasha ugu muhiimsan ee laga fuliyey deegaanka ayaa waxaa kamid ah Mashariic Biyo-Galineed oo laga wado Guud ahaanba Deegaanka gaar ahaana Gobolka Siti iyo Jarar oo ay ka faa’iideysan doonaan Bulsho dhan 54,244 oo qoys iyo 503,798 oo neef . Maareyaha Wakaalada Naqshadeynta, Daraasaadka iyo Dabagalka Mudane Guuleed Aw Cali oo kormeer shaqo ku soo marey Mashariicda Biyo Galinta ee Baka–birqod– Gomar ayaa warbixiintan naga siyey heerka ay marayaan mashaariicdu.

Mudane Guleed ayaa tibaaxay In ay gabagabo ay marayaan Mashaariicdan Baka-Birqod iyo Goomaar Biyo- Galinta oo ay ku baxeyso Lacag dhan 63,679,491.91, ayaa soconayey muddo 12 bilood, ayu Mareyehu ka mujiiyey raajo iyo Yididiilo aad iyo aad u wanagsan iyaadoo la bilaabey galinta Dhulka tijaaboyiinka Tubooyiinka kala duwan,

Mashruucaan ayaa wakhti xaadirkan socda in ka badan 50Km iyaado dhamaan bulshada, xoolodhaqatada ee degan dhulka uu dhexeya Baka – Babirqod – Gomar ay si toos ah uga faa’iideysan doona. Guudahaan Mashruucaan ayaa maraya 99%.