Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg:- Shimbiro Xambaarsan Virus oo Ku Sii Fidaya Gobolka Jartar.

Dh/buur(CakaaraNews) Axad August 04Sidaanu hore idiinku sheegnayba Waxaa markii 1aad Gobolka Faafan Gaar ahaan degmada xarshin lagu arkay shimbiro raxan raxan u gooshaya oo halmar meeshay biyo ku arkaanba ku hoobanaya sida barkadaha biyaha halkaasna ku dhimanaya.

Hay'adaha iyo Culuunta caafimaadka ayaa lku sheegay in shimbirahani wataan Virus halis galin kara cidkasta oo ka cabta barkadaha iyo Agabyada kale ee biyaha ee ay ku dhacaan maadaama ay xambaarsan yihiin Cuduro halis ku ah Dadka iyo Duunyadaba(xoolaha). hadaba waxay shimbirahan oo Dhamaanba barkadaha xarshin aafeeyay ay uga sii gudbeen Gobolka jarar gaar ahaan deegaanada u dhow dhow Degmada Xarshin Sida Tuulooyinka Dibiro-wayn,daasgeeye,Ciinley iyo Cobale oo ka kala tirsan Degmooyinka Yocaale iyo Dhagaxbuur.

Mar ay Wariyaha Cakaara la soo xidhiidheen Qaar ka mida Shacabka ku dhaqan Deegaanada kor ku xusan ayay u sheegeen in ay arkeen Shimbiro aan tiradooda la qiyaasi karin oo Heehaabaya hawada halmarna ku soo degaya Baraagaha iyo meeshay biyo ku arkaanba. Arintan ayaa Gurmad Deg-deg ah oo lagula tacaalo si uusan ugu talaabin waxyeelada Virusku Dadka iyo Xoolaha,iyadoona culumadu ay shaacisay in lagula tacaalo aafada Shimbiraha Dawooyin iyo talaal,sidoo kalana meel kasta oo ay ku dhaceen.

Isku soo wada soohoo ilaa iyo hada Xafiisyada ay khusayso arintani ayaa Gurmadkii looga baahnaa wali aynan ka helin shacabku sida ay wariyaha u sheegeen.