Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

fanaanka Caanka ah Xasan maxamed C/raxmaan(aarmaanta) oo Maanta Booqday Isbitaalka Karamardha oo uu Ku Dhashay.

Xasan Maxamed C/raxmaan(Aar Maanta) oo ah fanaan caan ah oo u dhashey DDSI oo Maal mahaana ku sugnaa Xarunta DDSI Aar Maanta oo ah Waxaa maanta booqasho ku tagay isbitaalka magaalada Jigjiga ee Karamardha hospital fanaanka caanka ah ee lagu magacaabo aarmaanta oo maalmahan booqasho ku yimid magaalada jigjiga amaba ku soo guryo noqdan magaaladii uu ku dhashay,wax ku bartay kuna barbaaray oo ay ku nool yihiin qoyskoodii,waalidiintii iyo ehelkiiba. Fanaanka ayaa sheegay sababta uu kormeerkiisa ugu horaysiiyay isbitaalka karamardha yidhina" Isbitaalka Karamardha Waa Isbitaalkii aan ku Dhashay Xundhurtayduna ku aasan tahay".

Fanaanka oo ay Shucuurtiisu isbedeshay ayaa Dhamaanba Qaybaha uu isbitaalkani ka kooban yahay Booqday,isagoona fanaanku Deeq lacageed u qaybiyay qaar ka mida Bukaanada danyarta ah ee ku jirtay isbitaalka,isagoona sheegay in deeqdan ay wadajir ugu soo aruuriyeen Dhalinyaro ku dhaqan Dibadaha kuwaasoo loo yaqaan" Walaal-Afuri) Deeqahan noocan ahna gaadhsiiya soomaalida danyarta ah.

aarmaanta ayaa ugu baaqay in dhamanba Qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan daafaha Dunida kuwa Shaqaysta ee Dhaqaalahoodu sareeyo in ay Qoysaska danyarta ah ee DDSI ka caawiyaan Daryeelkooda Nololeed walow qaar ku dhaqan Dibadaha laftigooda ay gargaar nololeed u baahan yihiin.

sanadkan ayaa ay DDSI Booqashooyin ku yimaadeen Qurbajoogtii ugu badnayd oo ka kala yimid dhamaanba 5ta qaaradood kuwaasoo ujeedooyin kala duduwan u yimid halka ay Qaar ka mida Qurbajoogtu ay Maalgashi ka samaysanayaan Deegaanka.