TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH EE ARDAYDA GOBOLKA FAAFAN AYAA LAGU SOO GABAGABEEYEY MASJID JAAMACA WEYN EE MAGAALADA JIGJIGA.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad August 04,2013.Munaasibada Xidhitaanka Tartanka Quraanka Kariimka Ah Ee Degmooyinka Gobolka Faafan Ayaa si Rasmi Ah Loogu Soo Gagabeeyey Masjid Jaamaca Magaalada Jigjiga iyadoona ay Kasoo Qaybgaleen Masuuliyin Ka Socotay Golaha Arrimaha Islaamka Ee Gobolka Faafan, Waalidinta Iyo Culimaudiin Kala Duwan .

Gabagabadii Tartankan Quraanka Ee Gobolka Faafan Ayaa Waxaa Laga Soo Jeediyey Khudbado Kala Duwan Oo La Xidhidhay Ahmiyada Uu Tartankani u Leeyahay ku tarbiyaynta caruurta Barashada Quraanka kariimka ah,Waxaana Masuuliyintii Ka Hadashay Ka Mid Ahaa Gudoomiyaha Golaha Arrimaha Islaamka Ee Gobolka Faafan Sheekh Xasan Maxamed “Walcasri”, Hogaanka Waxbarashada Iyo Tacliinta Ee Golahaarrimaha Islaamka Ee Gobolka Faafan Sheekh Axmed Hadi Iyo Gudoomiyaha Jamciyada Alsuna Sheekh Maxmed Xasan C/Laahi Oo Dhamaantood Khudbadahooda Kaga Warbixiyey Qiimaha Ay Leedahay Ku Tartamida Quraanka Iyo Ku Dhaqankiisa Iyagoona U Mahadceliyey Dadkii Maalgeliyey Tartankani .

Hadaba Ardaydii Ku Tartamaysay Tartankani Quraanka Ee Gobolka Faafan oo isugu jiray Gabdho iyo Wiilal Iyo Ayaa Dhanaa 130 Iyadoo Ay Ku Tartamayeen Quraanka Siiba Jusaska 30ka Juz, 20ka Juz Iyo 10ka Juz Waxaana Ugu Dambeyntii Ku Guuleystay 9 Arday Oo Kaalmaha Sare, Dhaxe Iyo Hoosaba Kala Galay Kuwaasi Oo Isugu Jirey Wiilal Iyo Gabdho Waxaana La Gudoonsiiyey Abaalmarino Isugu Jira Lacag Iyo Kutubo .

Ugu Dambeyn Qaar Ka Mid Ah Ardaydi Iyo Walidintii Ayaa Soo Dhaweeyey Tartanka Quraanka Kariimka Iyagoo Sheegay In Tahay Wax Lagu Faraxo In Lagu Tartamo Quraanka Kariimka