Shir Balaadan oo Lagu dardargalinayay Adeeg-bixinta iyo Kudhaqanka Saaynta Sharciga Ayaa Loogu Qabtay Magaalada Jigjiga Dhamaanba Garsoorayaasha Maxkamadaha Deegaanka.

Jigjiga(cakaaraNews) Talaado August 06,2013.Waxaa Kulan Balaadhan Loogu Qabtay Magaalada Jigjiga Dhamaanba Garsoorayaasha Ka Hawlgala Maxkamadaha Degaanka Gobol iyo Degmaba,iyadoona ay Kulankan Kasoo Qaygaleen Gudoomiyaha Maxkamada Sare(Guud) Ee DDSI Mudane Ugaas C/laahi Ugaas Maxamuud,Gudoomiye Kuxigeenka , Maamulka Garsoorka.

Ujeedada Kulanka Lala Yeeshay Garsoorayaasha Ka Hawlgala Maxkamadaha Gobolada Degaanka Ayaa ku wajahnaa Sidii Loo Turxaanbixin Lahaa Islamarkaana Loo Xaqiijinlahaa Koruqaadida iyo ku dhaqanka Sareynta Sharciga,Horumarinta Nidaamka Garsoorka Iyo Gudi Ku Shaqeynta Oo Qaybka Ah Dadaalada Lagu Xaqiijinayo Sareynta Sharciga.

Kulankani ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Furay Gudoomiyaha Maxkamada Guud Ee DDSI Mudane: C/Laahi Ugaas Max’ud Isagoo U Soo Bandhigey Garsoorayaasha Isbedeladii Horumarineed Ee Laga Qabtay Dhinacyada Sharciga Iyo Kor Uqaadida Geedi Socodka Nidaamka Garsoorka Ee Sanadkan Dhamaaday 2005 T.I Islamarkaana Ku Booriyey Garsoorayaasha Qorshaha 2006 T.I U Yaala Maxkamada Guud DDSI Ay Kaalin Weyn Ka Qataan Islamarkaana Kor U Qadaan Adeegi Iyo Wajibadkii Loo Igmaday Ee Shacabka Loo Hayey Kasoo Qayb Ka Ah Qorshayaasha Ay Maxkamaduhu Ku Leeyihiin Ka Qaybqaadashada Dhinacyada Hormarka Iyo Kaabayaasha Dhaqaale.

Ugu Dambeyntii Kulankani Oo Qaybka Kulamada Lagu Saxayey Geedi Socodka Iyo Nidaamki Shaqo Ee Sanadkii 2005 Islamarkaana Loo Gudagalayey Qorshaha Iyo Hirgelinta Nidaamka 2006 T.I Ayaa Ugu Dambeytii Kulankani Oo Lagu Dhaariyey Dhamaan Garsoorayaashii Kasoo Qaybgalay Kulankani Ee Sidii Loo Baahnaa Uga Soo Qaybgalay Kulankani Waxaana Kadib Marki Uu Soo Gabagaboobay Kulankii Ayaa Waxaa Dhamaanba Masuulintii Iyo Garsoorayashiba Ay Dhir Beeris Lagu Sameeyey Maxkamada Gobolka Faafan Oo Ahayd Meshii Kulanku Ka Dhacay Iyadoo Dhirbeeristana Ay Hogaaminayeen Gudoomiyaha Sare Ee Maxkamada Guud DDSI ,Gud.Ku Xigeenka Iyadoo Qorshayaasha Dhirbeeristana Ay Ahayd Mid Lagu Meelmarinayo Islamarkaana Qaybka Ah Qorshayaashii Iyo Himilooyinkii Raysal Wazaare MELEZ ZENAWI .