Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ciid-Mubaarak Kulucam Wa Antum Bikheyr Madaxweynaha DDSI oo Dhambaal Tahniyada Ciidul-Fitriga U Diraya Dhamaan Muslimiinta Gaar Ahaana Muslimiinta Itoobiya.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco August 07,2013.Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Maanta Xafiiskiisa Kula Hadlay Saxaafada Deegaanka ayaa Tahniyada Farxada Ciidul-Fitriga u Diray Dhamaanba Muslimiinta Aduunka,Muslimiinta Itoobiya gaar ahaana Muslimiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya Yidhina Waxaan Magacayga iyo ka xukuumada DDSI kula Qaybsanayaa Farxada Ciidul-Fitriga Umadaha Muslimiinta in ay ku ciidaan Farxad,Bashbash,Barwaaqo,Caafimaadsan iyo Nabad waarta oo alle ka cabsi leh.

Madaxaweynaha DDSI ayaa yidhi waxaan umada muslimiinta ah ee ilaahay karsiiyay in ay Gutaan waajibaadka soonka ilaahay uga baryayaa in uu ka siiyo Soonkoodii ajar,xasanaat iyo danbi dhaaf,sanadkan sanadkiisana ilaahay ku gaadhsiiyo Bashbash iyo Barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay muslimiinta gaar ahaan deegaanka in ay Sakada ku waajibtay ku bixiyaan sida la faray ka hor salaada ciida siiyaana masaakiinta iyo dadka danyarta ah