Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qurbajoogta W/ameerika ee Deg-Araarso oo Hambalyo iyo Taageero u Soo Diray M/w DDSI iyo Xukuumadiisa Uguna Baaqay Dhamaan Qurbajoogta Ka Soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI in ay U Guntadaan Badhigantaalida iyo Garab Istaagida Xukuumada iyo Ciidamada.

W/Am(CakaaraNews)August 8, 2013:. Waxaa email noo Soo Diray Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI gaar ahaan Degmada Ararso iyadoona ay Mahdnaq,Taageero,Bogaadin,Dhiirigalin iyo Baaqba u soo Diray Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa kaasoo ka turjumaya Dareenkooda Midaysan ee ay Shacabka Degmada Araarso Dal iyo Dibadba kula Garabtaagan yihiin Madaxweynaha iyo Xukuumada uu Hogaankeeda hayo.

hadaba waxaad kobtan hoose ka Dhawri kartaan Sida ku cad hadal-qoraalka Qurbajoogta. Mudane Madaxweyne:Annaga oo ah qurbo joogta ku nool wadanka maraykanka (USA) iyo Canada kana soo jeeda Degmada Araarso ee gobolka Jarar waxaan kuu soo jeedinaynaa mahadnaq.

Taas ood ku mutaysatay horumarka xaga nabadgelyada, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, biyo galinta iyo adeegyada bulshada ee aad ka wado Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaan kale oo aanu kaaga mahadinaynaa sida aad had iyo jeer ugu dadaasho inaad xaquuqda dadka Soomaalida reer Itoobiya leeyihiin inaad ku dagaalantid gaar ahaan qaybsiga khayraadka wadanka iyo inaad mar walba xusuusiso cid walba amaba hal hays kuu ah “Itoobiyaanimadayada cidna aanaan u daba fadhiyin”.

Waxaan kale oo aanu kaaga mahad celinaynaa 15ka Degmo eed adigu kartidaada ku keentay, taas oo kuwii kaa horeeyey ku keeni kariwaayeen—ogow degmooyinkaas cusubi wax tar wayn ayey shacabka DDSI ku soo kordhiyeen. Waxaan kaloo kaaga mahad celinaynaa Degmada suuban ee aad noo samaysa taas oo nagu soo kordhisay wax weyn hanoqoto: xag dhaqaale, nabadgelyo, horumarka kale ee deegaanka ama waxbarashada. TAAGEERO Mudane Madaxweyne, anagu hadaanu nahay deegaanka Araarso dadka ka soo jeeda ama ha noqo wadanka dibadiisa ama gudahiisa, waxaanu ka midaysanahay taageerada maamulkaaga madaxweynenimo ee dawlad deegaanka Soomaalida-Itoobiya (DDSI).

Taas oo aad ku kasbatay hawsha adag ee aad ugu jirto marwalba horumarinta deegaanka iyo sidii ay dadkaagu wax u noqon lahaayeen, iyo guud ahaanba sidaad u sugtay nabedgelyada gobolkeena ee ka kooban 9 ka gobol iyo 68 ka degmo. Mudane Madaxweyne anagu hadaan nahay qurbo joogta Araarso waxaanu hada ka hor iyo kadiba ka qayb qaadaneynaa soo dhawayntaadii Maraykanka aad ku soo booqatay,madaxdii xukuumada ee booqashada noogu timid,madaxda DFI iyo Booqashooyinkiina Danbaba.

Sidoo kale waxaa Farxad wayn noo ah Dalka gudihiisana waxaan la soconaa in si xamaasad iyo kalgacad leh laguugu soo dhaweeeyo Deegaanka Araarso, xaataa waxaa naloo sheegay in aad nabad gelyadaada kalsooni gaar ah ka qabto markaad Araarso joogto oo aan xaataa lagu ilaalin, taas waxaa keenaya wanaaga aad ka kasbatay Shacabweynaha degmada Araarso Dal iyo Dibadba.

Mudane Madaxwayne waaxaa daliil u ah in ay reer Araarsoodku yihiin Dad Nabadgalyada iyo Horumarka u heelan islamarkaana kaala shaqeeyaan nabadgelyada,Maamulka Suuban iyo horumarka, taasoo maantana deegaanka DDSI midhaheedii ama caanaheedii maalayaan ama cunayaaan bogsiisayna Diifihii ay Dhaxalsiiyeen Talisyadii Cadaadiska ku Dhisnaa iyo Xukuumadihii Fadhiidka ahaa ee soo maray. Dhanka kale Meelkastoon joognabana waxaan isku raacsanahay Dhamaanba Qaybaha Bulshada Degmada Araarso in nabad- gelyada ka shaqaynteedu tahay Muqadas iyo Waajibaad Qaran oo Dusha naga saaran, garabtaaganahayna Ciidamada Liyuupolice,Boliska,Kuwa Qaranka,Xukuumada dawlada DDSI iyo maamulkeeda suuban ee aad madexweynaha ka tahay.

TALO BIXIN Sadexdii sano ee aad madexweynaha ahayd horumar wayn ayaad gaadhsiisey Guud ahaan deegaanka Somalida Itoobiya (DDSI) Gaar ahaana Degmada Araarso oo Markii 1aad aad ka jawaabtay Codsiyadoodii helayna Degmo kaamila iyo mashaariico horumarineed oo maasheeyay Degmada waana markii 1aad ee iyana laga biyo gaadho Ceel-biyood daboolay baahidii shacabka. Waxaanan kaa rajeeyneynaa in 5 ta sano ee soo socota in uu horumarka deegaanku halkaas ka sii socdo anagoona Garwaaqsan Xaqsoosaarkaaga Cadaaladeed.

Insha Allah adiga oo horumarkaas iyo Isbedelada Dhaqan Dhaqaaleka hormuud ah. Ilaahayna waxaan kaaga rajaynaynaa inuu kula gacan qabto kuguna Guuleeyo Hindisahaaga Midaynta Cududa iyo Maskax-aragtiyeedka Shacabweynaha Deegaanka Idil ahaantii. Ugu dambayn, waxaan ku leenahay CIID WANAAGSAN! CIID MUBAARAK! adiga iyo dadka Soomaalida reer Itoobiya ee aad madexweyna u tahay.

Mahadsanid! Maxamed Sh. Maxamuud (Maxamed Dheere),Gudoomiye

Khadar M. Xuseen, Gudoomiye Kuxigeen Gudiga Arimaha Xidhiidhka Arimaha Dibada Qurbo Joogta Degmada Araarso North America – United States and Canada