Ogaysiis:-Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob Gaar ahaan Beesha Reer-Amaadin ee Ku Dhaqan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisda Ka Soo Qaybgalka Shir Lagu Taageerayo Socdaalkii Madaxweynaha ee Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajo-rumays

Minniapolise(cakaaraNews) Jimce Augst 09,2013.Waxaa email noo soo diray Hawlwadeenada Qurbajoogta Degmooyinka Dhuxun,Xamaro,Garaslay,Barmiil iyo iimay-bari ee Gaar ahaan ka soo jeeda Beesha Reer Amaadin oo ku xusnaa Sida ay Beeshu ula dhacsantahay Waxqabadka Muuqda ee uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Mudadii yarayd ee uu Xukunka hayay ka Hirgaliyay Deegaanada kor ku xusan oo ahaa Dhul ay Hore u dayaceen xukuumadihii ka horeeyay oo aanan hada ka hor wax horumar ah laga hirgalinin.

Hadaba Hogaaminta Dhaqanka ee Beesha ayaa ku wargalinaysa in Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda Beesha kor ku xusan ee ku Dhaqan Cariga Maraykanka Gaar ahaan Gobolka Minnesota iyo Nawaaxigiisa in ay ka soo Qaybgalaan Kulankan Balaadhan oo ay Beeshu ku Taageerayso Socdaaladii Madaxweynaha Midha-dhalka ahaa ee Iftiin iyo Ilays  iyo Nolol iyo Rajo-rumays sidoo kalana Waxqabadka madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa ay Guud ahaan ka Dhaqan galiyeen Deegaanka gaar ahaan Gobolka Nogob.

Goobta Shirka:-Sheraton Hotel Minneapolise Taariikhda iyo Maalinta Shirka:- Saturday Aug 10,2013. Saacada Shirka.4:00 Galabnimo Xiliga Minnesota(USA).

Wixii Faahfaahin Dheeri ah Waxaad kala xidhiidhi kartaan 1- Suldaan Maxamed Cali-Gudomiye Tel-(+19523932654)2-Canab Cali K/xig iyo axmed shekh cabdi doodi.