Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir aad ubalaadhan oo lagu tageerayo wabiga Abay iyo Waxqabadka Xukuumada DDSI ayaa laguqabtay magalada Edmonton ee Goboolka Alberta ee Canada

Edmonton(CakaaraNews) Sabti August 10,2013.Shir aad u balaadhan oo lagu taageerayo mashruuca biyo-xidheenka wayn ee wabiga abay iyo guud ahaanba dadaalka balaadhan ee horumarineed ee ay hirgalisay xukuumada deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar ayaa waxa uu ka dhacay dalka kanada magaalada Edmonton ee gobolka Albert.

Waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay qurba joog aad u tiro badan oo u dhalatay DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmoton iyo nawaaxigeeda sidoo kale waxaa ka qaybgalay safiirka wadanka itoobiya u fadhiya wadanka kanada.

Shirkan oo ay soo agaasimeen qurba joogta deegaanka u dhalatay waxayna ujeedada shirkaasi ahayd sidii ay u taageeri lahaayeen biyo xidheenka qarniga ee Abay islamarkaasna ay u iibsan lahaayeen bondiga, waxaa sidoo kalena shiraasi lagu taageeray hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hananqaaday guud ahaanba balka itoobiya gaar ahaan deegaanka soomalida sidoo kalena waxay siwayn u taageereen qurba joogtaasi socdaalada madaxwaynaha iyo waftigiisu ku marayeen dhawaan qaarka mid ah gobolada deegaanka socdaalkaasi xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan goboladaasi iyo degmooyinka uu madaxwaynuhu marayay waxayna sidoo siwayn ubogaadiyeen qurba joogtaasi dadaalka balaadhan ee xukuumadu saartay dhinaca xidhiidhka qurba joogta iyaga oo siwayn ugu mahad celiyay xafiiska qurba joogta DDSI oo ah mid ay xumuuda ddsi ugu taga gashay dhinaca xidhiidhka qurba joogta kaasi oo door muhiin ah ka qaadana hawlaha xidhiidhka qurba joogta iyo shacabka DDSI.

Shirkan ayaa waxaa khudbada dhaxalgal ah ka soo jeediyay safiirka itoobiya u fadhiya wadanka kanada isaga oo safiirku sheegay in ay siwayn uga qayb qaataan qurba joogta dalka itoobiya hawlaha horumarka dalka nabadgalyada siwayna ay uga qaybqaateen mashruuca wayn biyo xidheenka abay ayna hormuud u yihiin ka qaybqaadashataasi qurba joogta u dhalatay deegaanka soomalida itoobiya wuxuu safiirku ku booriyay qurba joogtaasi in halkaasi ka sii wadaan dadaalada ay ku taageerayaan howlaha horumarka nabadgalyada iyo isku xidhka jahliyadaha dibada iyo kuwa dalka gudihiisa.

Kulankaasi ayaa yimidka dib markii ay dhaayahooda iyo indhahooda ku soo arkeen qaarka qaarka mid ah qurba-joogta horumarka n/galyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday DDSI.