Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Awaare oo Isticmaalka aalada Mobileka Heshay “Hello Waan Ku Maqlaa”.

Awaare(cakaaraNews) Axad August 11,2013.Shaki kuma jiro in uu Taabogalay Horumar Baaxad wayn oo dhinacyo badan Qayb wayna ka tahay helida Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Bulshada Deegaanka oo ku kala baahsan Dalka iyo Dibadiisaba. Guud ahaanba Degmooyinka iyo Gobolada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga hirgaliyay Isticmaalka Aalada Casriga ah ee Dhanka Isgaadhsiinta Sida Internetka,Mobileka iyo Telefoonada Guryahaba taasoo wax wayn ka tartay Xidhiidhka,ganacsiga iyo iska warhaynta Shacabweynaha.

Hadaba Waxaa maantana Nasiib u Heshay Helida Isticmaalka Aalada Casriga ah ee Mobileka iyadoona maalintii shalay ahayd loo furay iyadoona shalay iyo maantaba ay hadhaysay Magaalada Awaare,Daroor,Yoocaale,Dusmo,Gurdumi,Abokor,Koore iyo Deegaano kale “Hello waan Ku Maqlaa”.

Isku soo wada Duuboo Xukuumada DDSI iyo DFI ayaa Culays wayn saaray sidii Bulshadu ay isgaadhsiinta casriga ah laaga haqabtiri lahaa islamarkaana Xadaaradaha isgaadhsiineed ee Caalamka Baal uga gali lahaayeen.