Breakingnews:-Iskushaandhayn lagu sameeyay Golihii Wasiirada,Maareeyayaashii Iyo Qaar Gud Degmooyinka.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin August 12,2013Waxaa maanta La Isku Shaandheeyay golihii wasiirada,Maareeyayaashii Qaar ka mida Gudoomiyayaasha Degmada iyadoona Golaha Capinetku Ansaxiyay.

1-Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil Wasiirka Xafiis Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda oo Hore u ahaa wasiirka Jidadka

2-Mudane Maxamed Cabdi Muxumed(haadi)Shirkada Dhismaha Booliska Gaarka ah oo Ahaa Gud Deg Afdem.

3-Mudane Maxamed Cumar wasiirka Jidadka oo Hore u Joogay xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda

4-Mudane Guuleed jabane oo Hore u Joogay Shirkada Dhismaha waxaa la geeyay kuxigeenka waxbarashada

5-Mudane Saney Xasan raage kuxigeenka Management Institute oo Hore u Joogay Kuxigeenka Waxbarashada

6-Mudane Cabdi Nuur oo hore u ahaa Gud Jarati waxaa laga dhigay Kxigeenka Hogaanka N/galyada ahna Kusiisimaha Komishinka Booliska DDSI,halka Gen Maxamed C/laah(Qayo) uu Kuxigeenkii Komishinka yahay.

7-Mudane C/fataax Kuxigeenkii N/galyada waxaa la geeyay kuxigeenka Mayorka Godey

8-Mudane Faatax Maxamed Faatax Waxaa la geeyay Xafiiska DPPC Hore u Joogay TVET

9-Mudane Guuleed Axmed  oo hore u joogay DPPC waxaa la geeyay Shirkada Dhismaha

10-Mudane Ibraahin Cali oo joogay Shirkad Dhismaha hawlaha biyaha waxaa la geeyay TVET.

11-Mudane C/risaaq Saxane oo hore u ahaa mayorka Qabridahar waxa la geeyay Mayorka Maamulka Jigjiga

12-Mudne Suldaan khayre oo ahaa mayorka Jigjiga Waxaa la geeyay mayorka Dh/buur

13-Mudane Maxamd C/waaxid Waxaa la geeyay Shirkada Dhisaha Halaha Biyaha horena u ahaa kuxigeenka n/galyada

14-Gudoomiyihii Degmada Mooyaale Mudane Cabdi Geedi Aadanwaxaa la keenay Gudoomiyaha Degmada Jigjiga

15-Gud Degmada Gursun Mudane  Xasan Faarax waxaa la geeyay Gud Degmada Raaso

16-Gud Degmada Raaso Mudane Cabdi aadan kaynaan(Cabdoow)waxaa la geeyay Shiniile

17-Gud Degmada Baareey Mudane Cabdi saadaale waxaa la geeyay jarati

Ilaa iyo Hada Waxaa na Soo gaadhay Tiradan kor ku xusan walow ay jiraan qaybo kale