Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jarmalka oo uu ka dhacay Shir lagu Taageerayay Socdaalkii Iftiin.Ilays.Nolol. Rajo rumays,Kulan safaarada & Qaar aaminsanaa Aragtida N/diidka oo Tubta Nabada iyo Horumarka Qaatay.

Jarmalka (CakaaraNews) Isniin 12/08/2013 Shir Siweyn loo soo Agaasimay Oo ka Dhacay Magaalada Frankfort Ee Germalka ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Dhamaan Jaaliyadda ka soo jeeda Deegaanka Somalida Itoobiya Ee ku Dhaqan. Germalka kuwaasi oo iskugu jira dhamaan qaybaha ay bulshadu ka koodan tahay sida:- Odayaasha, haweenka, Siyaasiyiinta, waxgaradka, Ugaasyada, Culmada, indheergaradka iyo maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane c/bari maxamed macalin oo kaga qaybgalay shirkaasi dhinaca khadka tilifoonka.

Shirkaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii ay jahliyadu u taageerilahayd guud ahaanba dadaalada horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay guud ahaanba deegaanka iyada oo siwayn diirada loogu saarayay shirkaa socdaaladii taariikhiga ahaa ee Iftiin iyo Ilays, iyo waliba Nolol.rajo rumays ee uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin bulshada ku dhaqan goboladaasi lagu maray socdaalkaasi waxaana shirkaasi si balaadhan u soo qaban qaabiyay gudiga jahliyada DDSI ee ku dhaqan cariga Germalka.

hadaba iyada oo shirkaasi siwayn loogu gorfeeyay waxqabadka balaadhan ee ay xukuumadu wakhti gaaban ku soo hoysay Sida Cafimaadka. Waxbarasha.Biyaha Ceelasha Dhaadheer. Xoolo Dhaqato Beeroley. Wadooyonka. Isgaarsiinta Telefoonada. Leydhka. Aan qoraal lagu soo Koobi karin oo uu Deegaanka ka hanan Qaaday labadii sano ee ugu danbeeyay.

Shirkan Ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah ka soo jeediyay shirkaa Madaxda Sare Ee Jaaliyadda Germalka oo kala ah Mudane C/Rashiid Shariif iyo Axmed Ugaas Xasan Xaali Ugaas Maxamed iyo Xuseen Maxamed Maxamuud kuwaasi oo dhamaantoodba siwayn uga waramay horumarka balaadhan ee ka hanan qaaday DDSI ka dib markii ay masuuliyiinta iyo waxgaradka jahliyada DDSI soo bandhigii xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanka ayaa waxaa siwayn ugar waaqsaday xaqiiqdaasi ka jirta deegaanka Qaar ka mid ahaa N/diidka oo ahaa tirada yar markii hore aamin sanaa figradaha dhiidhiga ah ka dibna Qaatay Nabada Cadeeyay Mowqifkiisa oo Taageeray Maamulka DDSi Baaqna U Diray Kooxda tirada yare ee ka ganacsata dhiiga shacabka waa hadhaaga UBBO in Ay Nabada Qaataan Inta Aan Ilbaabada Cafiska Aan Laxidhin.

Sidoo kale waxaa halka ka hadlay Xubno Kale Ee Jaaliyadda, Odayaal iyo Waxgaradka ku Dhaqan Germalka sidoo kale waxaa Shirka lagu Martiqaaday in uu kala Qeybgalo maareeyaha Wakaalada Qurbajooga DDSi Mudane C/bari Maxamed Macalin oo telka CONFERENCE kaga Qeybgalay Shirkaa isaga oo masuulku ugu horayn u mahad Celiyay Jaaliyadda Shirkan sida Quruxda Badan u soo agaasimeen iyo waliba sida fiican ee ay ugu Martiqaadeen CONFERENCE ayaa waxa uu sheegay in ay xukuumada deegaanka martasta ka go’antahay sii xoojinta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumada iyo qurba jooga u dhalatay deegaanka iyo waliba cidkasta oo danaynaysa in ay deegaanka maalgashadaan.

Isaga oo masuulku hadal kiisa siiwada ayaa waxa uu sheegay in qurba joogtu tahay tiirarka ugu waawayn ee kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada wuxuna maareeyuhu ugu danbayntii ku ku Dhiirigaliyay Jaaliyadda in ay wadanka maalgashi ku sameeyaan taageeraan hormarka, n/galyada iyo maamulka suuban ee ka taamyeelay guud ahaanba dalka itoobiya gaar ahaana deegaanka xukuumada DDSI na ay ka go’antahay in ay wax la qabato cidkasta oo danaynaysa in ay deegaanka maalgashato.

isku soo wada duub oo shirarka noocan oo kale ah ee lagu taagaarayo waxqabadka xukuumada DDSI ayaa baryahan danbe si aan kala go'lahay uga socda dhamaan Qaaradaha aduunka waxaana ka danbeeyay ayaan odhan karnaa dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ku xoojisay xidhiidhka qurba joogta u dhalatay deegaanka iyada oo socdaalo dhaareer masuuliyiinta sare ee xukuumadu ku mareen dhamaan qaaradaha aduunka.