Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tartankii kubada cagta Ee Degmooyinka Gobolka Jarar ayaa Si habsami leh Lagu soo gabagabeeyay garoonka Kubada cagta Ee Gobolkaasi Jarar

Dh/buur(CakaaraNews) Talaado Aug 13,2013.tartankani oo ay kasoo Qayb galeen (9) sagaal kooxood oo kala matalaya 9 sagaalka degmo Ee uu kakooban yahay Gobolka Jarar ayaa waxaa uu ku furmay jawi wanaagsan iyo dardar xoogan oo ay kooxuhu isugu awood sheeganayeen. Munaasabadii Lagu soo Xidhayay Tartankaas oo ahayd Ciyaartii Finalka ama kama danbaysta oo ay issugu soo hadheen Xulalka Dh/buur iyo Awaare ayaa ahayd Mid aad loosoo Agaasimay ayaa waxaa kasoo Qayb galay Maamulka Gobolka Jarar maamulada Sagaalka Degmo Ee gobolka jarar ciyaartoydii Sagaalka Degmo iyo walib Taageerayaashii.

tartankan oo socday mudo 15 cisho ah laguna tartamayay koobka kubada cagta Ee Sagaalka Degmo ee gobolka jarar oo markasi Si Qurux badan laysaga hor yimid ayaa waxaa halkaasi guushii koobku ku raacday kooxda kubada cagta Ee Degmada Dh/buur halka kaalinta labaad ay gashay Degmada Awaare kaalinta Sadexaadna ay heshay Degmada Gaashaamo Waxaa gudoon siiyay kooxdii koobka ku guulaystay gudoomiyaha gobolka jarar C/jamaal Axmed Qaloonbi oo ay wahelinayaan Qaarkamida Masuuliyiinta gobolka jarar.

Waxaa sidoo kala Abaal marin lagudoon siiyay Ciyaar yahankii ugu ciyaarta wanaagsanaa oo uciyaarayay kooxda Degmada Dh/buur Waxaa xaga goolasha ugu gool badnaa ciyaartoy Uciyaarayay kooxda Degmada gaashaamo Oo abaal marin lagudoonsiiyay gudoomiayaha gobolka Jarar oo munaasabadaa kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay tahay ujeedada tartankani sidii lay sugu xidhi lahaa Dhalinta gobolka jarar Dhinaca ciyaaraha iyo Sidii loga soo dhex xulan lahaa kooxda xulka kubada cagta Ee Gobolka jarar mali lahayd.

Wariye Garbo Magaalada Dh/buur