Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Ka Dhacay Hotel-Sheraton ee Minniapolis Shir Balaadhan oo Lagu Taageerayay Socdaalada Madaxweynha DDSI ee Lagu Diirsaday Siiba Socdaalkii Iftiin iyo Ilays-Nolol iyo Rajo-rumays oo ay Soo Abaabuleen Beesha Rer-Amadin ee G/Nogob.

Minniapolise(CakaaraNews) Talaado August 13,2013.Shir aad u balaadhan oo ay u Dhamaayeen Dhamaanba Qurbajoogta ka Soo jeeda Gobolka Nogob Hormuudna u ahaayeen Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Reer Amaadin ayaa waxa uu si habsami iyo Maamuus Qaraameed leh uga Dhacay Mid ka mida Hoteelada ugu Qaalisan Gobolka Minnesota(Sheraton Hotel).

Sidoo kale Shirkan ayaa ay ka soo Qaybgaleen Odoyaasha iyo Aqoonyahanka aadka looga yaqaano DDSI iyo Maraykankaba iyo Hogaaminta Jaaliyada Beesha Reer Amaadin ee Minniapolise kuwaasoo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guurtida Odyaasha Waqooyiga Ameerika Mudane Shuuriye,Suldaan maxamuud cade ah gud jaaliyada minniapolise ee ee beesha Reer Amaadin nogob,maxamed cade , Axmed Dhoodi oo ah Hormuudka Nabada iyo Wacyigalnta ee aan waligiis Ka Xagal daacin Hawlaha Qaran ee DDSI,Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban,waxaa iyana ka soo qaybgalay Kulankan Marti Sharaf sarsare oo ay ka mid ahaayeen Mudane Badri Yuusuf Ciise oo ka mida Aqoonyhanka ka soo jeeda DDSI ee aaadka ugu ololeeya Horumarka,N/galyada,Garaad Cumar Dool iyo Maamulka Suuban,Ururka Dhalinyarada Sedyo,Gabdhaha Ururka Horumarinta(SEWD)

Shirkan ayaa ay ka muuqatay Shucuur iyo xiiso loo Qabay Horumarkaiyo Isbedelada xawliga ku socda ee ay Xukuumada Maantu ka Taabogalisay Si siman Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Gobolka Nogob.

Dhamanba ahaan Dadkii ka Hadlay Kulankan ka soo qaybgalayaashu buuxdhaafiyeen hoolka Hotel Sheraton oo ay Ka Mid ahaayeen Mudane Shuuriye,Mudane Axmed Dhoodi,Mudane Suldaan,Marwo Canab,Mudane Badri Yuusuf,Mudane Maxamed Shariif iyo Waxgarad kalaba ayaa waxay aad u bogaadiyeen socdaalkii madaxweynaha gaar ahaan kii nogob oo markii ugu horaysay helay Awooda Quwada Korontada 24ka Saac oo laga Dhisay Magaalada Fiiq islamarkaana Degmooyin badan oo ka mida Nogob laydhku gaadhi doono,sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay ugu faraxsan yihiin in markii1aad ay Xukuumada Maantu ka hirgalisay Nogob iskuxidhka Wadooyinka Degmooyin la daalaa-dhici jiray Dhibaatooyinka Wado la'aaneed Sida wadada Qubi Fiiq,Xamaro,lagahida mayu,Geeldoox iyo Qariyo badan halka Mashaariicaha Horumarineed ee kale ay maasheeyeen Degmooyinka Gobolka Nogob.

Sidoo kale waxa ay taageero iyo Bogaadin Yididiilo huwan u soo gudbiyeen Madaxweynaha DDSI Mudne Cabdi maxamuud Cumar,Xukuumada,XDSHSI iyo Ciidamada Geesiyiinta ah ee Liyuu-Police Yidhina" Jiritaanka Ciidamada Gaarka ah ee Geesiyiinta Liyuu-Police Waa Kuwa Sugay Suurto-galinta Waxbarasho lagu Badhaadhay,Caafimaad daryeelay Bulshada,Biyo laga haqab-beelay,laydh Huriyay Ilayskii Nolosha,wadooyin sahlay isu-socodka, iyo Isgaadhsiin Sugtay Xidhiidhka Casriga ah.

Guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha Shirkan iyo hawlwadeenadii soo agaasimayba ayaa hoosta ka xariiqay taageerada Buuxda ee ay u hayaan madaxweynaha DDSI(Dal-daweeye),Xukuumadiisa,XDSHSI,Ciidamada Liyuupolice iyo DFI,islamarkaana Doorkooda ka Qaadan doonaanhawlaha N/galyada,Horumarka,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba,islamarkaana ugu baaqay hayb ahaan Qofkii ka soo jeeda Gobolka Nogob in ay isu taagaan Gacmahana isu qabsadaan ka qaybqaadashada Qorshayaasha Horumar-N/galyo ee ay Xukuumada DDSI ku hagayso Deegaanka