Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Kusimaha Xafiiska Madaxwaynaha oo Galabta ku Qaabilay Madaxtooyada Qurbajoog Ka Timid Dalka Finland(Immediate Vice-President)

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco August 14,2013.Kusimaha Xafiiska Madaxwaynaha DDSI Ahna madaxwayne kuxigeenka DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo uu Wehelinayay Maareeyaha Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi-Bari macalin ayaa Galabta ku Qaabilay Madaxtooyada wafti Qurbajoog ka socotay dalka Finland.

madxwayne Kuxigeenka ahna hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI ayaa Sharax waadix ah ka siiyay Qurbajoogta sida ay Xukuumada Maanta talada Deegaanka haysa ay ugu heelan tahay ahmiyada balaadhan ee ay u leedahay Xidhiidhka,Wada-tashiga,Maalgashiga iyo soo dhawaynta Qurajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee Deegaanku ka kooban yahay Kuna baahsan 5ta Qaaradood.

Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa carabaabay In ahmiyada,Aqoonsiga iyo Qorshayaasha balaadhan ee ay Xukuumada uu Hogaankeeda hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Siisay Qurbajoogta ay Tahay mida u Gadh-qaaday madaxwaynaha DDSI iyo masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xukuumada in ay ku soo gaaf- wareegaan 5ta Qaaradood ee Aduunku ka kooban yahay una hureen wakhtigooda iyo Maskaxdoodaba in ay Meel kasta oo uu ku nool yahay Qof ku abtirsada DDSI ay kula soo tashadaan kana Qaybgaliyaan Qorshayaasha Horumar,N/galyo,Maalgashiiyo Maamul suuban.

Sidoo kale madaxwayne Kuxigeenka ayaa warbixin ka siiyay Heerarkii kala duduwanaa ee uu soo maray Deegaanku,hagardaamooyinkii Nabad- diidka,Xukuumadihii Fadhiidka ahaa ee DDSI soo maray,halgankii XDSHSI uu la soo galay Musuqa,Aragtida Nabad-diidka,argtida Soomali wayn,Musuqa,eexda,Qabyaalada iyo Muwaaqiradii dawlada ee lugta hayay tabaha horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban. Mudane C/laahi ayaa tibaaxay sabaihii keenay Aasaasida Ciidamada gaarka ah ee Geesiyiinta Liyuupolice iyo Guulaha ay salka ugu dhigeen Nabadii Sirinsirqowday cagtana u mariyeen UBBO maantana hawlaha horumarka doorkooda ka qaatay,sidoo kalana waxa uu si qoto-dheer u qaadaa dhigay waxqabadka xukuumada.

Dhanka Kale Kulankan ayaa lagu gorfaynayay Arimo la xidhiidhay Horumarka Deegaanka ka socda,Fursadaha Maalgashiga,Arimaha N/galyada,Maamulka Suuban iyo hawlaha Jaaliyada Dalka Finland iyo sidii xidhiidhka jaaliyada iyo xukuumada loo sii adkayn lahaa iyadoona Dhanka qurbajoogtu ay sifaahfaahsan uga hadleen in ay ku faraxsan yihiin isbedelada HorumarN/galyo Maamul suuban ee ka taabo galay DDSI mudadii yarayd ee Xukuumada uu Hogaanka u yahay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Xilka haysay,islamarkaana Xuduudaha loo sugay.

Qurbajoogtan ayaa carabka ku dhufatay in ay wadaan Qorshayaal maalgashi oo ay ka samaysanayaan Deegaanka Horena ay maalgashi ugu samaysteen,iyadoona madaxweyne kuxigeenku uu u balan qaaday in ay Xukuumadu ku gacan qaban doonto dhamaanba hawlaha ay Damacsan yihiin in ay DDSI ka hirgaliyaan una fududayn doonaan hawlaha Maalgashigooda.