Ogaysiis: Gudiga Qaban Qaabada Shirka Beesha ReerAmaadinTaageerada Socdaaladaii Madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisii Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo Rajorumays oo Maalinta Axada Ka Dhici Doona Hotel-Nogob M-Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis August 15,2013.waxaynu wada ogsoonahay in ay Beesha Reer-Amaadin ay ee Ku dhaqan dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba in ay u Heensaysteen Sidii ay Udub-dhexaad ugu noqon lahaayeen Horumarka,N/galyadaiyo Maamulka Suuban isuna garab istaagi lahaayeen Xukuumada iyo Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice oo ka mid ah Deegaanadii uu ka soo Askumay Bilawgii IImay,Xamaro iyo Dhuxun oo ah Deegaanada Beesha Reer-Amaadin Degto.

Sidoo kale Waxaaa Hubaala in lagu xaqiiqsan karo sida ay Shacabka uga go'an tahay la dagaalanka UBBO,Taageerada Xukuumada iyo garabsiinta la shaqaynta Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice in Socdaalkii Iftiin iyo Ilaays Dhawaan madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu ay Habeenimo Guure ku sii dhex mushaaxayeen Laagihii Dhaa-dheeraa ee Qari-Juqood.

Hadaba gudiga Qabanqaabada Shirka taageerada Socdaaladii Madaxweynaha DDSI ee Iftiin iyo Ilays iyo Nolol-Rajo Rumays ee Beesha Reer Amaadin ee Ku Dhaqan DDSI oo lagu Qaban Doono Magaalada Jigjiga ogaysiinayaan Dhamaanba Dadka ka soo jeeda Beeshaas in ay ka soo qabgalaan Shir balaadhan oo ka dhici doona Hotel- Nogob .

Shirkan ayaa siday Noo sheegeen Gudigu in ay ka soo qaybgali doonaan ka Sakow Beesha Dhamaaanba waxgaradka DDSI,Garaadka Beesha Absame iyo adeerkood iyo Guurtidiisa,Hogaaminta Dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Goobta Shirka Hotel-Nogob.

Maalinta Shirka Axada.

Taariikhda Shirka August 18,2013.

Saacada Shirka 10ka Barqanimo.

Gudiga Qabanqaabada Shirka.

1-Sayid Saxane sayid-Nuur(KaldhaYare).

2- Maxamed Ugaas C/casiis.

3-Ugaas Maxamed Carab Muxumed Xiirey.

4-Marwo Luul Sheekh Maxamed.

5-Suldaan maxamed Cali Axmed.

Isku Soo Wada Soohoo Waxay Gudiga Qabanqaabadu ku adkaynayaan dadka ka soo jeeda Beesha Reer-Amaadin ee ka soo jeeda Deegaanada Xamaro,Dhuxun,Iimay,Mayu iyo Fiiq In Ay si wayn uga soo qaybgalaan Shirka lagu taageerayo socdaaladii Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisu ku soo Mareen Gobolka Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Liibaan looguna magac daray Iftiin iyo Ilays,Nolol iyo Rajo-rumays oo Maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa ka dhici Doona Hotel Nogob Magaalada Jigjiga.