Qiimayntii Heer-Federal ee 4ta Deegaan ee Hore Loo Odhan Jiray Deegaanada Dibu-dhacay Dhanka Waxqabadka oo Ay Xuk,DDSI ku Xaqiijisay In aynan Ka sii Mid ahaan Doonin Heehaabanaysana Deegaanada safka Hore Kga Jira Horumarka.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Khamiis August 15,2013.waxaa magaalada addisababa ka dhacay shir socday muddo 2 cisho ah oo diirada lagu saarayay Qiimaynta waxqabadka Horumarka Sanadka 2005 ee 4ta Deegaan ee hore la iskugu Deegaanada Dibudhacay kuwaasoo kala ah Deegaanada DDSI,Afar,Binishangul iyo gambeela. Shirkan oo ay Hogaaminayeen Wasiirka Arimaha Federalka Mr Shifarew T/mariam iyo Addisu Lagese ayaa ay ka soo qayb galeen Madaxweynayaasha 4ta Deegaan Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud cumarna ka mid aqhaa,Madaxda Xafiisyada Horumarinta 4ta Deegaan iyo Madaxda Wasaaradaha DFI.

kalfadhigan Heer Federal ayaa Diirada lagu saaray Qiimaynta iyo Dhagaysiga Heerka Waxqabadka Horumarineed ee 4ta Deegaan sida Hirgalinta Qorshaha MDG,GTP,Dibu-dejinta iyo Waxqabadka Xafiisyada Horumarinta Deegaanada Sectorada Caafimaadka,Jidadka,waxbarashada,Biyaha iyo Beeraha. Dhagaysigii Waxqabadka Dhinacyada Horumarka ee Xukuumadaha 4ta Deegaan ee sanadkii tegay ayaa aad loogu riyaaqay Heerka Baaxada waxqabadka Isbedelada Horumarineed ee ay Xukuumada maanta Talada Hogaaminta DDSI haysa ku hirgalisay Mudadii yarayd ee ay jirtay.

DFI,Madaxda Wasaaradaha DFI iyo Madaxda 3da Deegaan ayaa si wadajir ah uga marag kacay Heerka Waxqabadka Horumarineed ee Xukuumada DDSI iyo xawliga ay ku socdaanba iyagoona aad ugu amanay Xukuumada DDSI Sida ay ugu guulaysteen Dhaqangalinta barnaamijka ka faaiidaysiga wabiyada iyo Dooxooyinka una dejiyeen Qoysaska wareegii 1aad sanadkii 2004 iyo wareegii 2aad sanadka 2005 Natiijo fiicana keenay Halka Deegaanada kale ay Weli la daalaa dhacayaan.

Sidoo kale Xukuumada DDSI ee Hogaankeeda uu hayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa aad loogu amaanay sida ay shacabkeda ugaga faaiidaysay Helida Biyo Nadiifa sida Biyaha Dhulka hoostiisa ku jira,Kuwa Roobka iyo Uga faaiidaynta BulshadaBiyaha wabiga,halka si la mid ah loogu Amaanay DDSI Horumarka ay ka gaadhay Kor u qaadida Jidadka isku-xidha Miyiga iyo Magaalooyinka sanadkii tagayna Qorshihii u yaalay Xafiiska Jidadka uu Dhaafiyay Waxqabkiisa Qorshihii yaalayba.

Heerka Diyaargarawga Xuska 8aad Shucuubta iyo Qowmiyadaha Hidar 29 ee Xukuumada DDSI ayaa aad loogu bogaaadiyay Xukuumada DDSI sida Degdegsiimaha badan ee ay ku hirgaliyeen Mashaariico waawayn oo loogu talogalay Xuska 8aad ee Qowiyadaha oo ka dhici doona Deegaanka Soomaalida,mashaariicahaas oo ay ka mid yihiin Hoolka Shirarka,guryaha martida,Garoonka Kubada Cagta,Balaadhnta Management Institute,Mashaariicaha Balaadhinta JJ Boarding school iyo wadooyinka iyo Qurxinta Magaalada Jigjiga.

madaxda 3da Deegaan ayaa Amankaag iyo Dhafoora hays ay ku noqotay Xawliga Waxqabadka Xkuumada DDSI ay ku socoto iyo sida ay uga tageen yahayna Waxqabadka Horumarineed ee Xukuumada DDSI iyo heerka ay Soo marayaan 3da Deegaan Kaaf iyo Kala Dheeri,halkaas oo Xukuumada DDSI Waxqabadkeeda Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Isbedelada Kobaca Dhaqaale loogu Wada Qiray in aytahay Horyaalka Horumarka iyo Isbedelka Kobaca Dhaqaale ee 4ta Deegaan heehaabanaysana Deegaanada safka hore kaga jira Dhanka Horumarka.