Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Mashaariicaha ay Ku Caawiso Waxbarashada Hay'ada UNICEF iyo Diyaargarawga Hirgelinta Qorshaha sanadkan 2006.T.I ayaa Ka Dhacay Hoolka Shirarka Xaf,waxb,DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad August 18,2013.Kulankani Lagaga Wada Tashanayey Mashaaricaha Dhanka Waxbarashada Ee Hay’ada Unicef Ay Ka Caawiso Xafiiska Waxbarashada DDSI Islamarkaana Loogu Diyaargaroobayo fulinta Qorshaha Sanadka 2006T.I Ee Dhanka Waxbarashada Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Masuuliyiin Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Ahayeen Wasiir-kuxigeenka Waxbarashada Mudane: Guleed Muxumed Cumer , Masuuliyiin Ka Socotay Hay’ada Unicef Iyo Masuuliyin Ka kala Socotay Xafiisyada Waxbarashada 27 Degmo. Madaxda Xafiisyada Degmooyinka Ka soo Qaybgalay Kulankan ayaa ka kala yimid Gobolada Jarar,Nogob , Shabeele, Doolo & Siti ,Waxaana Kulani Ay Ujeedadiisu Ahayd Kawada Hadalka 27 Degmo Oo Laga Wado Dugsiyada Ab-yada oo ay maalgaliso Hay’ada Unicef Iyo 10 Degmo Oo Mashruuca Dr-ska Lagawado.

Sidoo Kale kulankan ayaa Lagu Qiimeynayey Qorshihii 2005 T.I Ee Hayada Unicef Ee Xafiiska Waxbarashada Ay Ka Caawinaysay Iyadoo Dhanka Kalena Lagu Eegayey Dhismayaasha Dugsiyada Ka Socda 27kaasi Degmo Ee Dhinaca Waxbarashada Halka Ay Marayaan Iyo Sida Losoo Gabagabeeyey Iyo U Diyaargarawga Qorshaha Waxbarashada Ee Sanadka 2006t.I .

Hadaba Waxaa Kulani Ugu Horeyntii Ka Hadlay Wasiirkuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane: Guleed Muxumed Cumer Isagoo Sheegay In Ay Aad Muhiim Ugu Tahay In Maamulada 27kan Degmo Ee Kulan Kaasi Kasoo Qaybgalay Ay Dardargeliyaan Guud Ahaanba Mashariicaha Dhismahayaasha Iyo Mashaaricaha Kor Loogu Qaadayo Adeega Wax Barashada Si Loo Gaadho Waxbarasho Tayo Iyo Tirabaleh .

ugu Dambeyntii Kulankani Oo Intii Uu Socday Ay Masuuliyiin Kala Duwani Ka Hadleen Ayaa Waxaa La Islaqaatay Soo Gabagabeynta Mashaaricihii 2005ta Iyo Sii Xoojinta Mashariicaha 2006da Ee La Rabo Inlasoo Gabagabeeyo Iyadoona Laisla Qaatay In Adeega Waxbarashada Ahmiyad Gaar Ah Lasiiyo Islamarkaana La Dardargeliyo Guud Ahaanba Mashariicaha Kala Duwan Ee Xafiiska Waxbarashadu Uu Dhanka Waxbarashada Ka Wado .